Gabay
gabaygan waxaan tiriyey 24-04-08
kadib markii lagudbiyey halgamayaashii qaaliga ahaa Dhiire iyo Sooyaan
gabaygan oo layidhoo magaciisa
Inag iyo Soomali
aduunyadan sirgaxtee xumuhu saantay idilkeedba
ee subaxii nool adamahu kala saqaafaayo
een seedi iyo abti aan xushmadi kalaba saaraynin
saacadii aad joogtaba dunidan wada sabaynaysa
ayuunbaan samaan iyo kafilay inay saxnaataa
seexashada waxaa ii diidayeen sallal lasoojeedo
sahwigiyo waxaa igu wacan soor anfac diidka
een sina uqabanayn sahraay waa sirtaan helaye
kol haday somaalidii dhamayd ina saluugayso
sun waa bay ah nooqdeen lana sifaynaayo
seefaha haday nala dhaceen seed nakalagooynta
sooyaalna uu qorahayoo sixi dheh taariikhdu
ooy saaka dhiibeen ragii seedinimo sheegtay
waa siqiir coloow iyo inaan kala safnaanaaye
sooryada ragaa loobaxshiyo gaal sasabitaanka
waa sooyaankii qaaliga ahaa iyo safkiisiiye
suuroowse daraanaa inaan samirno oon joogno
seefaha ragaa lala dhacee sinihu nafoobay
ee saben kii hore iidoor sixun unaafeeyey
iyo saaka kuwan loo xidhii aad usilic gaadhay
bashiirbaanu sabankii dhawaa sidnay asaydiiye
sadex weeg umabay ahayd markaad cabdi sumayseene
sina ugama baydhaan inay nagu sifaadaane
masugaynse majeerteen inay sidatan yeelaane
sangubaa doraad meelsudheen surin cidhiidhyoone
anaga unbaa sidii gobi lahayd seetadeed furine
seeraha wax loogooynayaa waa sad aan jirine
sirta iyo inaga oo caad naqaan saaxiibkiiyo tuuga
hadii ay saluugeen wanaag sacbadii buuxa
soojooga hadii aad diidantii seetadaad barane
surgumahan waxaa looxidhee saloowga loobeeri
sogsogtaa waxa loo jiidhayaa sama falkii gaale
hadii aan sokeeye dil iyo naqaan sida ragyeelaayo
sadex magac ilaahay inaan sidan layeeleene
samirkiyo waxay nagu arkeen samafalkaa dheeri
hadaan soodhka dari lahayn oon silsiladayno
siyar bay u wada joogi lahayd ooy saldhigan lahayde
sahlanaa amuurnaa daan lahayn saamax lagu waaye
kol haday singihii dhiire iyo sooyaan saaka lacaraabay
oo tigreega saynta leh ragii seeto ugu giijay
oo sixun jidhdil loogu wado silacna loolayni
oo ay sirqooyinka hartiga saanad ugu nagudoorsan
oo subag ladhaafsay ragaan sina iloobaynin
sumcad haday kadooneen siyuum una sujuudaysid
maseereeyo aniguna inaan sixun alaayaaye
saakan majeerteen suaal saafan laga waayey
inay suushay sharafteen ayaan sina udiidaayne
waxaa sidan noogalay kuwaan sikhiga moodaynay
sokeeyaaynu nahaydii aan jirin sidatan weeyaane
waxba hadalka yuun ila siqine waxaan ku sooduubay
ogadeen haduu seexda oo ragii saasba ku iloobo
sodonsodona nooxidha xadhkaha soohda waligiinba
sidaad noomalaysaanu nahay iyo siqiirkaase
hadiise aanu surinkii maroon godobtan seeraynin
siwayn iyo xaqdhoor baan u hubaa inaad sooryaadaa bixine
nayar suga sidaan damacsanahay saadanbay imane
Mawliid Muhumed
Hanqadh