ogaden flagogadenogadenogaden

Sun 23/12/07 8:36 PM

BBC somali 11:00

BBC somali 18:00

BBC somali 14:00

Radio Xoriyo

OTHER LINKS

African News Papers

Arab News

Daily Nation Of Kenya

East African Standard

SOMALI LINKS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waraysi uusiiyay GX2 ee ONLF Mudane Abdiqaadir Xassan, Wargayska " al-sharqalawsat" 26/4/2008 ayaa wuxuu kubilaabay Sidatan:

Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenya Waxay Xoreysay %70 Wadanka Ogadenya.

Cairo:Wariye Xamdi Saliim:

Jabhada ONLF, ayaa ku'goodiday in ay siiwadi doonto Dagaal dheer oo ay kulajirto Ciidamada itoobiya, sidaana waxaa sheegay GX2 Mudane Abdiqadir Xassan, wuxuu sheegay in ay haystaan qalab Milatari oo u suurtagalinaya in ay inbadan dagaalka siiwadaan.Wuxuu yidhi Ciidankanagu wuxuu kujiraa Hawlgalo Milatari wuxuuna maalinkasta soo hooyaa Guulo aad u' waawayn, khasaare badana waxaan gaadhasiinaa Ciidamada itoobiya. Waxaan Xoreynay %70 Wadanka Ogadenya, Shacabkanagu, waa Gobanimo doon,waxaan rabnaa in aan ka' xorowno Gumaysiga Itoobiya, ma'nihin dad kucaasiyay maamulka Itoobiya, waxaan nahay Dad gaar ka' ah intakale oo ka' asal' duwan Shucuubta kuhoosnool Taliska Addis Ababa, Shacabka Ogadenya, wuxuu leeyahay Luqad' Diin' Caadooyin, iyo dhaqan aad uga duwan Dadyowga kale ee itoobiya.

Waxaan nahay Shacab Asal' ahaan ka' soojeeda Carab" oo Muslim ah, tiradanadu waa 8 malyan' oo ruux, isticmaarkii hore kadib waxaan kuhoos jiraa kan itoobiya. Mudane Abdiqadir Xassan, waxaa kaluu hayaa jagada GX/ isbahaysiga Xoreynta iyo dimuqoradiyada Shucuubta ku'hoosnool itoobiya ee( AFD) oo ay kumidoobeen 8 Urur oo mucaarad ku'ah Taliska itoobiya. Mudane Xassan, wuxuu joogaa Cairo, wuxuuna rabaa in uu garaaco albaabada dowladaha Carabta' iyo dhamaan caalamka oo dhan wuxuuna ka'codsanayaa in ay taageeraan shacabka Reer Ogadenya, iyo halganka uu ugu jiro aayo katalintiisa. Mudane Xassan, wuxuu codsaday in ay Dowladaha carabtu' Xafiisyo ufuraan Jabhada wadaniga xoreynta Ogadenya, wuxuuna xusay in ay Jabhadu xafiisyo kulahayd wadamada Masar,Suuriya, Ciraaq, iyo Kuwait ka' hor Sanadkii 1990, laakiin waxaa la' xidhay xafiisyadaas, ka' dib burburkii dowladii Somaliya, waxayna jabhadu xafiisyo kuleedahay Wadamo Reer Yurub ah.

MudaneAbdiqadir Xassan, oo siiwata hadalkiisa ayaa sheegay in uu shacabka Ogadenya, katashan doono Waxa uu samayn doono kadib, marka uu haleelo aayo katashigiisa, in uu Dowlad madaxbanaan kudhawaaqi doono ama uu kusii jiri doono Itoobiya( laakiin sigooni ah wax u'leh) ama Somaliya fadaraalkeeda kubiiri doona, intaba Shacabka ayaa Doorashada iskaleh. Wuxuuna sheegay in Xataa Distuurka itoobiya ay kuxusantahay aayo katashiga shucuubta kuhoosnool Itoobiya, taasina ay ahayd tii Eretariya, ku'xorowday. Mar uukahadlayay Xidhiidhkii Diplumasi ee itoobiya ujartay Wadanka Qadar" wuxuu sheegay in ay sababtu ahayd dhibaatada Shacabka Ogadenya, ay Itoobiya, kuhayso ee ay al-jazeeraTV, soobandhigtay uguna magac dartay "Dhibaatadii la'iloobay ee Ogadenya".

Dhibaatadaas ay aljazeera, ka'sheegtay Ogadenya,ayay itoobiya, u'aragtay in ay khatar kutahay oo ay burburinayso, Amnigeedana wax udhimayso, laakiin xaqiiqadu waxay tahay in ay itoobiya, tahay tan khatarta ku' ah Nabadgalyada Geeska Africa. waxayna itoobiya, doonaysaa in ay indhaha Caalamka ka' jeediyaan Gumaadka ay ka'wado Gobolka Fog ee kuyaal Bariga africa. Wuxuuna Wargaysku kukhatimay waraysigaas, in ay Jabhadu bayaankeedii kusheegtay in ay Dowlada Qadar, dowr muuqda oo waxtar ah ka' ciyaarto africa, Dunida Carabta' iyo Gaar ahaan Geeska Africa intaba.

HANQADH

Maqaalada/Articles

A fool’s quest for the truth By Hibaq Dualeh

Stupidity or ignorance; what motivates Abdullahi Gariiles’ lies? By Hibaq Dualeh

authorAn Advice for Revolutionary Ogadenis By Dr Shamsaddin Megalommatis

WAR CRIMES AND CRIMES AGAINST HUMANITY IN OGADENIA . By Ahmed Shiine

The Betrayal of Abdullahi Gariile and his Crooked Objectives. By Fahmo Abdullahi

A Genocide We Can Stop, Ogaden. By Ahmed Ali