Wararkii Ogadenya oo kooban iyo xaalada abaaraha ee dalkoo dhan.
weli inkastoo ay cadaadiskii iyo dhibaatadii shacabka lagu hayey sii socoto ayaa haddana dhinaca kale
waxaa marba marka ka dambaysa isa sii taraysa rajo la'aanta laga qabo roobabka oo aad mooddo in ay sidii looga bartay u di'in.
Guud ahaan gobollada ayaa xogaha aan ka helayno ay sheegayaan in gobollada wardheer,dhagax-buur iyo qayb qorraxey ka mid ahi ay aad dadka iyo duunyaduba ay ugu dhibaataysan yihiin welina aanay jirin cid u soo gurmatay.
Meelaha qaarkoodna xataa biyhii shacabku iskii u dhaansan lahaa ayaa si toos ah looga hor istaagay,sida tuulada caado oo kale.
waxaa meelaha qaar sida dannood iyo awaare booyadu ay u direen hay'adaha IRC iyo Rajada Geeska dadkii u diiday oo iyagu la wareegay waa ciidamada Tigregu.
Inkastoo meelo ka mid ah gobollada godey,qorraxey iyo dhagaxbuur uu roob ka da'ay haddana lama odhan karo wa roobsadeen,sida ay soo qoreen shabakado dhawr ah.
Waxaa dhinaca bari ee wardheer laga soo sheegayaa in riyuhu ay dhogorta idaha ka rifanayaan ka dib markii ay daaq aayeen.
waxaa arrin la yaablihi ka dhacday magaalada awaare oo lix baabuur oo adhi ah oo dadweynaha deegaankaasi u rarnaa ay Tigreegu intay ladageen ay ilaa jigjiga iyo meelo badan u qaybsadeen,waxna uu dabaqoodhigu ugu raaco agagaaraha awaare eegga.
Hanqadh
D.K.