ogaden flagogadenogadenogaden

Sun 23/12/07 8:36 PM

BBC somali 11:00

BBC somali 18:00

BBC somali 14:00

Radio Xoriyo

OTHER LINKS

African News Papers

Arab News

Daily Nation Of Kenya

East African Standard

SOMALI LINKS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

CAMBAARAAAYN KU AADAN MAAMULKA GOBOLKA WAQOOYI BARI.

Jaaliyada reer Ogaadeenya ee wadanka Canada gaar ahaan gobolka Ontario ayaa isugu yimid shir deg deg ah oo ku aadan gadashada labada muwaadin ee u dhashay wadanka Ogaadeenya aay gateen maamulka gobolka waqooyi bari ee Soomaaliya. Shirkan deg dega ah oo dhacay markaay taariikhdu ahaayd 26/04/2008 ayaay isugu yimaadeen dadwaayne boqolaal kor u dhaafay. Shirku wuxuu kadhacay Lawrence Heights Community Center ee magaalada Toronto. Jaaliyada reer Ogaadeenya ee Canada waxaay cambaaraayn xoog leh usoo jeediyeen maamulka waqooyi bari iyaga oo ku dhaleeceeyay arinka wuxushnimada leh ee aay ku dhaqaaaqeen maamul kusheega waqooyi bari. Maamul kusheegan ayaa qoowmiyada tirada yar ee Tigreega gacanta u galiyey labadaas muwaadin oo u dhashay Ogaadeeniya kuwas oo marti ku ahaa degaankooda.

Labadan muwaadin ee lagatay ayaa ku joogay waqooyi bari imaansho uu ka warhayay maamulka waqooyi bari oon wax lug ah kulahaayn siyaasad amaba dhibaato marna u keenaayn amaanka dhulka uu maamulka waqooyi bari sheegto in uu kataliyo. Labadan muwaadin ayaa maamul kusheegani faraha u galiyay sirdoonka qoowmiyada Tigreega. Maamulku sheega waqooyi bari ayaa ku xadgudbay dhaqanka soo jireenka ah ee aaay soomaalidu leedahay oo martida amaba nabad galiya ama soorya. Maamul ku sheega waqooyi bari ayaa noqonaya maamulkii labaad ee isagoo soomaalinimo sheeganaya gacanta u galiya muwaadiniin reer Ogaadeenya ah sirdoonka qoowmiyada Tigreega.

Jaaliyada reer Ogaadeenya ee Canada waxaay aduunwaaynaha ka dalbanayaan in qoowmiyada Tigreega lagu cadaadiyo sidii aay u sii daaynlahaayeen labadan muwaadin een waxba galabsan. Qoowmiyada reer Ogaadeenya meelwalba ooy joogaan waa inaay meel ooga soo wada jeedsadaan sidii loo cunaqabataayn lahaa maamul ku sheega waqooyi bari oo ku tiirsan dhaqaale ahaan khaayraadka reer Ogaadeenya.

Qoowmiyada reer Ogaadeenya meel walba ooy joogaan waa inaay isha ku hayaan shaqsiyaadka la sheegay inaay gacanwaayn kagaaysteen gacan ugalinta qoowmiyada Tigreega labadan muwaadin.


Jaaliyadda Ogaadeeniya ee Canada

jaliyadakanada@yahoo.com

 

Maqaalada/Articles

A fool’s quest for the truth By Hibaq Dualeh

Stupidity or ignorance; what motivates Abdullahi Gariiles’ lies? By Hibaq Dualeh

authorAn Advice for Revolutionary Ogadenis By Dr Shamsaddin Megalommatis

WAR CRIMES AND CRIMES AGAINST HUMANITY IN OGADENIA . By Ahmed Shiine

The Betrayal of Abdullahi Gariile and his Crooked Objectives. By Fahmo Abdullahi

A Genocide We Can Stop, Ogaden. By Ahmed Ali