ogaden flagogadenogadenogaden

Sun 23/12/07 8:36 PM

BBC somali 11:00

BBC somali 18:00

BBC somali 14:00

Radio Xoriyo

OTHER LINKS

African News Papers

Arab News

Daily Nation Of Kenya

East African Standard

SOMALI LINKS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cambaarayn Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Koonfur Afrika.
 
22 kii April 2008 ayay maamulka Puntland qabteen labo nin ka tirsan dadka Ogaadeenya,waxayna isla markiiba ugacan galiyeen Ciidamada Tigreega,waxaa kale oo ay isla bishaas April dhexdeeda Maamulka Puntland ku  suneeyeen xabsiga dhexdiisa Cabdullaahi Cali Maxamed oo isaga iyo islaantiisaba ay booliska Puntland dhaawac u gaysteen iyagoo aan waxba galabsanin.
 
Marar badan waxaa la xidhay dhalinyaro udhalatay Ogadeenya oo aan wax dambi ah ka galin maamul goboleedka Puntland balse sababta xidhaygoodu ahay in ay yihiin dad reer Ogaadeenya oo kasoo cararay hagardaamooyinka Tigreega,si loo muujiyo saaxiibtinimada Tigreega,Waxaa kale oo iyaguna jiray ihaanaysi fara badan oo ay qabeen dadka Ogaadeenya ee kunool Puntland,balse aan cidina waxba kasoo qaadi jirin.
 
Cambaarayn
 
Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Wadanka Koonfur Afrika waxay si wayn u cambaaraynaysaa talaabada uu qaaday Maamulka Puntland ee uu cadawga Itoobiya ugu gacan galiyay  muwaadhiniinta udhalatay Ogaadeenya.Talaabadan ayaa dhibaatada ka dhalan doonta uu masuul ka noqon doonaa maamulka Puntland ee sida xishood darida ah uqaaday wadadii uu jideeyay Cigaal.
 
Baaq
Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Wadanka Koonfur Afrika Waxa ay ugu baaqaysaa shacabka mitidka ah ee gaadeenya in marna ayna uliicin qaniinyada dhabarka kaga dhacaysa ee ka imaanaysa kuwo dub muslin leh,taalaabadan dhiibataanka ah ee dadka Ogaadenya soo haysatay 12 ka sano ayaanan waxa saamayn ah kuyeellanin horusocodka halganka,dada Ogaadeenyana xanuunka gaadha kuma habradaan ee way kusii xanaaqaan.
 
Waxaa kale oo ay jaaliyaddu ugu baqaysaa dadka Ogaadeenya in ayna fiirinin meel ka sokaysa meeshii yoolkeenu ahaa ee ahayd in dhulka Ogaadeenya laga daahiriyo gumaysiga Abasiiniya.
 
Maamulka Puntland iyo dhamaan soomaalibada waxaa usheegaynaa in hadda wixii ka dambeeya cid waliba talaabadda ay qaado mid udhiganto uu qaadi doono shacabka Ogaadeenya ee looga bartay dulqaadka.
 
muddo 17 sano ah ayay Soomaalidu dhabrka naga qaniinsanayd oo ay noo mijin qabanaysay cadawga,laakiin hadda wixii ka dambeeya uma dulqadan doonno in dhiigga dulmanayaasha lagu raalli galiyo Itoobiya.
 
Shacabka Puntland ee aan walaalaha nahay waxaan ugu baaqaynaa in ayna iskaga qasmin saaxiibtinimadooda Itoobiya iyo ehelnimada dadka Ogaadeenya oo ay maamulkooda ku qasbaan in uu dib uraad gobo raggii uu ugacan galiyay Tigreega,laakiin hadii lagu waregaysto waxaan macna lahayn wax dawo ahi ma imaanayso.
 
Gagagabo
Haday Soomaalinimadii dhimatay, islaanimadii dhimatay wax lasii biciidsadaaba majiro,marka waa in xumaanta loo tartamaa sida hadaba taalla,qof walbaa meeshuu uhaabo uu moodo in reerkoodii jiro.
 
Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Koonfur Afrika

Hanqadh

Maqaalada/Articles

A fool’s quest for the truth By Hibaq Dualeh

Stupidity or ignorance; what motivates Abdullahi Gariiles’ lies? By Hibaq Dualeh

authorAn Advice for Revolutionary Ogadenis By Dr Shamsaddin Megalommatis

WAR CRIMES AND CRIMES AGAINST HUMANITY IN OGADENIA . By Ahmed Shiine

The Betrayal of Abdullahi Gariile and his Crooked Objectives. By Fahmo Abdullahi

A Genocide We Can Stop, Ogaden. By Ahmed Ali