ogaden flagogadenogadenogaden

Sun 23/12/07 8:36 PM

BBC somali 11:00

BBC somali 18:00

BBC somali 14:00

Radio Xoriyo

OTHER LINKS

African News Papers

Arab News

Daily Nation Of Kenya

East African Standard

SOMALI LINKS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

JAALIYADAHA SOOMAALIDA OGAADEENYA EE DEGAN GOBOLADA GALBEEDKA DHEXE EE DALKA MARAYKANKA


CAMBAARAYN FALXUMADI MAAMULKA PUNTLAND
Tar. 4/27/2008


Dhamaan Odayada, Cuqaashta; Salaadiinta, Ugaasyada, Aqoonyahanka, Siiyaasiinta, Culimada diinta, iyo ururada bulshada gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada ku nool Gobolada Galbeedka Dhexe (Mid-west) ee Dalka Maraykanka ayaa camabaarayn kulul waxay u soo jeedinayaan Maamul Goboleedka Puntland. Cambaarayntan oo ay sababteedu tahay dhacdadii foosha xumeyd  een laga fiirsan oo bishan Abril 22, 2008 ay ku afduubeen ciidanka sirdoonka Puntland iyo kuwa Tigreega oo uu horkacayey Wasiirka Maaliyada Puntland Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaagaab) iyagoo garba duubana ay gacanta u galiyeen Gumaysatada Itoobiya ee ay Xukunto Qowlaysatada Tigreega. Xubnaha Gumaysiga Itoobiya gacanta loo galiyey kana tirsan Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya waxay kala ahaayeen;

  1. Cabdinuur Maxamed Sooyaan, iyo
  2. Maxamed Axmed Caafi (Dhiire).

Waxaa wax laga xumaado ah in Maamul sheeganaya magac Soomaali iyo mid Islaam inuu dad Soomaali ah oo Islaam ah intay garba duub u xidheen gacanta u galiyeen cadawgi ay Soomaali dagaalka kula jirtay shan- boqol oo sano welina ay kula jirto. Waxaa wax laga xumaado ah inuu maamulkii Puntland uu ka door biday walaalnimadii Islaanimadii, iyo dhaqanki Soomaaliyeed raali galinta Xabashida Cadawga ah.
Jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeenya ee degan gobolada kor ku xusan waxay Shacbiga Reer Puntland ka codsanayaan inay si ficil iyo afba ah u muujiyaan dareenkooda ku wajahan falkan cadawnimada ah ee uu ku kacay Maamulka oo adeegsanaya magacooda iyo astaantooda gaarka ah.
Falkan wuxuu halis galinayaa xidhiidhkii wanaagsanaa ee labada shacab. Falkan iyo ficilkan oo ah Guumaysi u adeegid iyadoo uu Maamulka Puntland adeegsanayo dhaqaalihii ay bixiyeen shacbiga Puntland ayaa ah mid dhagar iyo dakano u soo jiidaya Shacbiga Puntland.
Maamulka Puntland wuxuu muujiyey inuu raali ka yahay qaybna ka noqday xoogaga in la guumaysto, la laayo, la xidh-xidho, la dhiibo, lana dulaysto shacbiga Soomaalida Ogaadeenya. Falkan wuxuu markhaati ka yahay in markuu shacbiga Soomaalida Ogaadeenya uu khatar iyo khalkhal galiyey guumaysatada Itoobiya inuu Maamulka Puntland uu gurmad iyo is garab taag u muujiyey Guumaysatada Itoobiya. Waxaa xaqiiq ah falkan Maamulka Puntland uu ku talaabsaday inuusan marnaba joojinayn Halganka Xornimada doonka ah ee Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya ay ugu jiraan inay duliga Xabshida ay iskaga qaadaan.
Iyadoo aan aad u soo dhawaynayno hadaladi xilkasnimada ahaa ee ka soo yeedhay wax garadka iyo odayaasha Puntland, hadana waxaan rajaynaynaa in hadalkaas ficil loo badalo. Isla mar ahaantaas waxaan u soo jeedinaynaa; Shacbiga Puntland, Cuqaashiisa, Isamadiisa, Culumada, Waxgaradkiisa, Aqoonyahankiisa, iyo Siyaasiintiisa inay yihiin kuwa uu xilku ka saran yahay qabashada Maamulkooda iyo ka hortigida falalka magacooda iyo fadligooda dulmiga loogu gaysanayo dadka walaalahooda ee Gumaysiga loo garba duubayo.
Iyagoo ku hadlaya Magaca Jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeenya ee Gobolada Galbeedka Dhexe ee Dalka Maraykanka waxaa Bayaankan Cambaaraynta ah soo saaray dadkan magacyadoodu hoos ku taxanyihiin:

  1. Caaqil Maxamuud Canshuur
  2. Caaqil Nuur Cali Abshir
  3. Caaqil Cabudllaahi Ciilmooge
  4. Caaqil Maxamed Cumar (Gaange)
  5. Caaqil Cabdi-fataax Caaqil Yare
  6. Caaqil Yuusuf Gamaadiid
  7. Caaqil Yuusuf Maxamed Aaden
  8. Caaqil Cabdinuur Siraad
  9. Caaqil Cadullaahi Kaad (Wiilyare)
  10. Caaqil Ismaaciil Aadan Cilmi
  11. Ugaas Axmed Ugaas Cabdi
  12. Dr. Xuseen Mataan
  13. Caaqil Muuse Maxamed (Qurxiye)
  14. Caaqil Cabdalle Sheekh Mursal
  15. Caaqil Xiis Cumar Jahaad
  16. Caaqil Maxamed Sh. Khaliif Dhicis
  17. Caaqil Cabdi-kariin Maxamed Xaaji
  18. Caaqil Xassan Qaloombi Cismaan
  19. Sayid Xassan Nuur
  20. Muxumed Xaashi (Gacamey)
  21. Caaqil Cabdullaahi Cabdi Yare
  22. Garaad-Yuusuf Suldaan Cali Sonkor
  23. Caaqil Maxamed Qaas Xayle
  24. Sheekh Cabdi Yuusuf
  25. Sheekh Digaale Qaadh
  26. Yuusuf Sahal
  27. Caaqil Cabdi Hudle
  28. Cabdullaahi Bishaar Maxamed
  29. Maxamuud Nuur Axmed
  30. Bashiir Ugaas Mahad
  31. Xassan Cabdi Hudle
  32. Ismaaciil Cabdullaahi Barkhadle
  33. Xassan Maxamuud
  34. Cabdi-caziis Ugaas Xassan Ugaas Xirsi
  35. Maxamed Axmed Daahir
  36. Anwar Maxamed Cali
  37. Cabdi-Naasir Xirsi Axmed
  38. Cabdi-Qaadir Muxumed Shiil
  39. Cali Yarow
  40. Cabdullaahi Afgooye
  41. Caaqil Garaad Maax Maxamed
  42. Ibraahin Jabuuti
  43. Cabdi Aaden (Cabdi-dheere)
  44. Muxiyadiin Maxamed Cabdille
  45. Cumar Maxamed Aaden
  46. Faarax Cabdi Hudle
  47. Axmed-Naasir Jirde
  48. Ciro Cabdullaahi Hiirmooge
  49. Cabdullaahi Gurey
  50. Sheekh Maxamuud Maxamed
  51. Muxumed Dhicis
  52. Maxamed Aaden
  53. Saacid Jire Qalinle
  54. Geelle Faarax
  55. Cabdullaahi Sheekh
  56. Carab Maxamed Aaden
  57. Maxamed Ismaaciil (Sayid)
  58. Caaqil Maxamed Qani Dhubad
  59. Caaqil Ismaaciil Shuuriye
  60. Caaqil Macalin Xoosh
  61. Caaqil Cali Yuusuf Saacid
  62. Shukri Goobe
  63. Murshid Cabdi Baaruud
  64. Maxamed Barkhadle Dhayliqi
  65. Ibraahim Cabdi Busle
  66. Maxamed Suldaan Cabdi Sonkor
  67. Suufi Cabdi Maxamed
  68. Axmed Ismaaciil Food
  69. Haweeya Xris Mahad
  70. Cambaro Aw-Axmed Muuse
  71. Xaliimo Xaaji Cali
  72. Xaliimo Cabdullaahi Buube
  73. Faadumo Xassan Bidde
  74. Aamina Xaaji Cali
  75. Siraad Cabdullaahi Barkhadle
  76. Cabdi Faysal Maxamed Gaani
  77. Abshir Faarax Cabdi
  78. Dr. Siraad Ismaaciil
  79. Dr. Cabdi Faarax
  80. Asad Khaliif Cali Wayd
  81. Faarax Xassan Rooble
  82. Cabdi Xassan Axmed
  83. Maxamuud Caydiid
  84. Maxamed Faarax Carab
  85. Cabdi Cadood Geelle
  86. Axmed Rafle Cabdullaahi
  87. Cali Maxamed (Cali-Yare)
  88. Maxamed Rashiid Sh. Cabdullaahi
  89. Xusseen Qarboosh
  90. Siraad Cabdi Qani
  91. Cabdullaahi Cumar Shide
  92. Cali Xaashi Faarax
  93. Maxamed Cali
  94. Miyir Aadan
  95. Hodan A. Ducaale
  96. Khadra Dhaameel Cabdi-Qaadir
  97. Sheekh Maxamed Cabdi
  98. Cabdirashiid Maxamuud
  99. Cabdullaahi Axmed Sahal
  100. Rooda Nuur Axmed
  101. Amaal Maxamed Cali
  102. Hinda Maxamed
  103. Dhudi Qaloombi Cismaan
  104. Cambaro-duwan Aaden
  105. Faadumo Xassan Yuusuf
  106. Ceebla Mahdi Gaboose
  107. Ardo Aw-siyaad
  108. Sahara Aaden (Afmadow)
  109. Ayaan Axmed Jabe
  110. Muuna Cabdi Bakool
  111. Dr. Xaaji Yuusuf Xaaji
  112. Maxamed-Amiin Mursal Axmed
  113. Kamaal Axmed Dacas
  114. Cabdi-Rashiid Axmed (Geel-qaad)
  115. Xassan Weli Guuleed
  116. Muxumed Macalin Axmed
  117. Axmed Jaqjaqaani
  118. Cabdi-Raxmaan Sh. Aaden Yare
  119. Xassan Cabdullaahi Geedi
  120. Maxamed Macalin Ibraahim




Hanqadh

 

Maqaalada/Articles

A fool’s quest for the truth By Hibaq Dualeh

Stupidity or ignorance; what motivates Abdullahi Gariiles’ lies? By Hibaq Dualeh

authorAn Advice for Revolutionary Ogadenis By Dr Shamsaddin Megalommatis

WAR CRIMES AND CRIMES AGAINST HUMANITY IN OGADENIA . By Ahmed Shiine

The Betrayal of Abdullahi Gariile and his Crooked Objectives. By Fahmo Abdullahi

A Genocide We Can Stop, Ogaden. By Ahmed Ali