Ogaden Youth Leugue {in Europe} – Ururka Dhalinyarada Ogadenya.
Ogaden Youth Leugue oo soo saaray baaq canbaareeyn iyo digniin ah.
Sida lawada ogsoonyahay maamulka Puntland ayaa 22kii bishan Abriil 2008 u gacan galiyay taliska arxanka daran ee itoobiya muwaadiniin reer Ogaadeenya ah oo sababo kala duwan Garoowe u joogay. Iyadoo kal horana silic ugu dilay magaalada Boosaaso muwaadin kale oo aan waxba galabsan xaaskiisiina dhaawac xun kaga tagay.
Waayadan danbe waxa aad u soo badanaya dhibaatooyinka loogu geeysto Puntland shacabka Ogaadeenya ee ku sugun halkaa. Ujeedada kaliya ee loo dhibaateenayo shacabkan ayaa ah in lagu raali galiyo is la markaana dhawaansho looga raadsado taliska cunsuriga ah ee itoobiya iyada oo markaa kuwa falalkan ku kacayo is ka indho tiraya cawaaqib xumada ka dhalan karta. Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya ayaa ku guda jira halgan siyaasadeed iyo mid hubeeysanba sidii eey u heli lahaayeen xaqa eey u leeyihiin in aayahooda ka tashadaan taas oo waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah.
Shacabka Soomaalida Ogaadeenya iyo kan Puntland ayaa wadaaga xiriir darisnimo iyo mid wado dhalasho taas oo uu macnaheedu yahay in aan marnaba wax xumaana laga filayn reer Puntland, nasiibdarase waxey si badheedh ah cadawga umada Soomaaliyeed ugu gacan galiyeen muwaadiniin reer Ogaadeenya ah oo iyaga marti u ahaa.
Canbaareeyn.
1) Ururka dhalinyarada Ogaadeenya wuxuu canbaareeyn dusha ugu tuurayaan maamulka Puntland ee ku kacay ficiladan waxashnimada ah ee ka fog Islaanimada, dhaqanka toosan ee Soomaaliyeed is la markaana uusan ku dhaqaaqi Karin shaqsi bani’aadam ah oo leh damiir iyo maskax fayoow.
2) wuxuu kaloo ururku canbaareeynayaa, Odayaasha, Culuma’amudiinka, Aqoonyhanada iyo bulsha-weynta Puntland ee aan ka gilgilan is la markaana aamuska ku taageeray maamulka Puntland ee godobta intaa la’eg geeystay. Cawaaqib xumadii ka dhalatana waxey dusha ka saaran tahay maamulka Puntland.
Digniin.
Waxeynu nahay umad Soomaaliyeed oo Islaanimada aaminsan, jecelna darisnimo wanaaga iyo wada noolaanshaha. Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan Soomaalida in si wada jir ah is ku meel looga soo wada jeesto cadawgeena daa’inka ah. Waxaan sidoo kale ka digaynaa dhibaato shacabkayaga loo geeysto. Xad gudub lagu sameeyo umadeena.
Codsi
Ururku waxuu ka codsanayaa dhamaan shacbiga ogadenya meel kasta uujogo inay arintan & kuwa kale ee lamid ka ahba jawab muuqata kabixiyaan una diyaar garoobaan inay cadawgooda noocyada badan leh ka aargoostaan cidwalbana sida ay udhqanto inlooga abaal mariyo oo aan dulqaad intii hore ka badan la samayn.
Ururka dhalinta ogadenya ee EUROPE
E-mail ; Ogadenyl@yahoo.com
Hanqadh