ogaden flagogadenogadenogaden

Sun 23/12/07 8:36 PM

BBC somali 11:00

BBC somali 18:00

BBC somali 14:00

Radio Xoriyo

OTHER LINKS

African News Papers

Arab News

Daily Nation Of Kenya

East African Standard

SOMALI LINKS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ogaden Youth Network
 
KA: Ururka Dhalinyarada Ogadenya (Ogaden Youth Network)
 
KU: Maamul Goboleedka Puntland
KU: Maamul Goboleedka Somali Land
KU: Maamulka Ethiopia
KU: Shacabka Puntland
KU: Shacbi waynaha Somaliyeed
KU: Beesha caalamka
 
 
Ujeedo:  Baaq Canbaarayn ah oo ay ururka dhalinyarada Ogadenya u                                
                  Soo jeediyeen Maamul Goboleedka Punt land.
                                        
                                                  April 28, 2008
 
Kadib markay ururka dhalinyarada Ogadenya [Ogaden Youth Network (O.Y.N)] oo uu fadhiisinkoodu yahay cariga Maraykanka ay baadhitaan qoda dheer ku samameeyeen falkii foosha xumaa ee ay hadhkoo cad u soo xayd xayteen fuliyeena maamulka biidhi qaata yaasha ah ee Punta land 22/4/2008 kana fuliyeen maqagaalada Garawe Somaliya, kuna fuliyeen 2 muwaadhin oo u dhalatay Somalida Ogadenya, isla markaasna ahaa masuuliyiin ka tirsan xubnaha golaha dhexe ee Jabhada Wadaniga       Xoraynta Ogadenya (JWXO/ONLF) masuuliyiintan oo lakala yidhaahdo:-
 
1)      Abdinuur Mohamed Soyan
2)      Dhiire Caafi
 
Waxa ay ururkan dhalinyada Ogadenya goansadeen inay soo saareen bayaankan canbaaraynta ah:
 
1-Canbarayn:
 
Wuxuu ururka dhalinyarada Ogadenya (O.Y.N) si adag u canbaaraynayaa falkii cadowtinimada ahaa ee ay maamul goboleedka Puntland 2 ba masuul oo O.N.L.F ah ugu gacan galiyeen cadowga taarikhiga ah ee Soomaaliyeed (Ethiopia), falkan ay ku dhaqaaqeen Maamulka Puntaland ayaa wuxuu ururka dhalinyarada Ogadenya u arkaan nasiibdaro u soo hooyatay shacabka iyo maamul Goboleedka calooshood ushaqaystayaasha ah ee Puntland, falakan ayaa wuxuu daliil cad u yahay mususqmaasuqa baaxada leh ee ka jira Puntland.
 
Waxaa wax laga yaqyaqsado ah ah inay maamul Goboleedka Puntland ay ku kaceen ka ganacsiga binii adamka khaasatan ka baayacmushtarida walaalaha Soomaaliyeed ayaga oo ku dayana wadadi khaldanayd ay maamul goboleedka Somali Land jeexday is larkaana ay shacabka ugacan galinayaan cadwga soomaaliyeed (Ethiopia). Falkan ay maamul goboleedka Puntland ku dhaqaageen ayaa ah mid aan sal iyo raad toona ku lahayn sharciga Islaamka islamarkaasna ka soo horjeeda xuquuqul insaanka, dhinaca kalana kaganacsiga binii aadamka aya ah waxyaabaha dunida laga mamnuucay qarnigii 18 naad.
 
Ku mansab iyo magac raadsashada muwaadidiinta ree Ogadenya ayaa ah mid ay hada kohor mamul kusheega Somali Land ku soo hongoobeen ayaga oo shacab badan oo Ogadenya u dhashay u gacan galiyay cadowga Ethiopia kadibna ayna wax wanaaga kaga helin cadowgii Ethiopia ee ay gacan yaraha u ahaayeen, sidaa darted ayaa wuxuu ururka dhalinyarada Ogadenya aaminsanyahay inayna Maamul Goboleedka Puntaland ku najaxaynin wax horumar ahna ka gaadhaynin afduubida ay afduubayaan muwaadiniinta Soomaalida Ogadenya.
 
Laga bilaabo 22/4/2008 Kadib markay cadaatay afduubida iyo ka ganacsiga ay maamul goboleedka Puntland kula kaceen muwaadhiniinta iyo madaxda Ogadenya waxay Ururka Dhlinyarada Ogadenya (OYN) cadaynayaan inay Puntland u aqoonsanyihiin danbiilayaal kuna dareen buuga taariikhda ee madow oo ay horyaalka ka tahay maamul goboleedka Somali Land oo ayadu ku caanbaxday ka ganacsiga walaalaha Somaalida Ogadenya.
 
2- Talo- Shacbka Puntland:
 
Ururka dhalinyarada Ogadenya waxay shacabka nabada iyo dariswanaaga jecel ee Puntland kula talinayaan inay ka gadoodaan falalka waxshinimada ah ay maamulka mususqmaasuqa ku caanbaxay ee Puntland  kula kacayaan walaalahooda Somalida Ogadenya oo aan wax khalkhal ah ku haynin wadanoolaanshaha, xasiloonida, ganacsiga iyo macaamilka labada shacab ee Ogadenya iyo Puntland.
 
Kaa aamusid ama talaabo muuqata oo ay shacabka Puntland  ka qaadi waayaan falkan ay mamulka Punta land ku dhaqaaqeen ayaa waxay ururka dhalinyarada Ogadenya u arkaysa, inay shacabka Puntland raali kayihiin falka ay Maamulkoodu fuliyeen.
 
Ururka dhalinyarada Ogadenya waxay u soo jeedinayaan shacabka Puntaland ee waxgaradka ah nabada iyo wada noolaanshahana qadariya inayna arintan dhayalsanin sharcigana ay la tiigsadaan xubnihii kadanbeeyay afduubidii 2 da masuul ee ONLF iyo muwaadiniintii somalida Ogadenya ee sida silaca ah ugu  dhintay xabsiyada puntland. Danbiilayashaas oo ugu Horeeyo  W. Maaliyada Puntland Mohamed Ali Yusuf "Ga Gaab"
 
3-Digniin- M.G Puntland
Ururka dhalinyarada Ogadenya waxay uga digayaan maamul goboleedka Puntland ee ka amar qaata maamulka kaligii taliye Meles Zenawi inay falalka aysan kafiirsanin ay kula kaceen muwaadininta Somalida Ogadenya ay kaliya abuurayso colaad iyo cadaawad ka dhex dhacda labada shacab ee walaalaha ah taasoy cawaqibteedu noqonkarto  daganaansho laanta geeska Africa oo sii korodha iyo darisxumo soo kala dhexgasha labada shacab ee aan dakane dhex oolijirin.
 
Ururka dhalinyarada Ogadenya waxay maamul Goboleedka Puntland uga digayaan caadaysiga iyo fulinta awaamiirta cadowga Soomaaliyeed (Ethiopia) oo uu hadafkoodu yahay burburinta sharaftii soomaaliyeed iyo abuurid colaada uu dhexdhigo shucuubta Soomaaliyeed.
 
Ururka dhalinyarada Ogadenya waxuu ugadigayaan maamul goboleedka Puntland, ficilada noocan oo kale ah oo ay caadaystaan una cadaynayaan cawaaqib xumida ka timaada inaay tunka saaranayan masulna ayagu kayihiin.
 
4-Codsi- Ssacbiwaynaha Somaliyeed/ Beesha Caalamka
 
1-     Ururka dhalinyarada Ogadenya waxay ka codsanayaan shacbi waynaha somaliyeed ee jecel nabada iyo dariswanaga inay canbaareeyaan falalkan foosha xun eey Maamul goboleedka Puntland ku madoobaynayaan kuna bahdilayaan taariikhdii Somaliyeed ee u wanaagu gundhiga u ahaa.
 
 
2-     Ururka dhalinyarada Ogadenya wuxuu ka codsanayaa beesha caalamka inaysan indhaha ka laaban, canbaareeyaana falalka kadhanka ah xuquuqul insaanka ee ay Puntland, Somaliland iyo Ethiopia kula kacayaan muwaadiniinta Ogadenya ee aan waxba galabsanin.
3-     Ururka Dhalinyarada Ogadenya waxay beehsa caalamka ka codsanaysaa inay maxkamad soo joojiso dadka danbiyada dagaalka ee biniiadamnimada kadhanka ah shacabka Ogadenya Kagalay meelkastoy dunida dacaladeeda kaga noolyihin. Danbiilayashan oo ay ugu horeeyaan:-
 
Ø      Maamulka Meles Zenawi ee Ethiopia
Ø      Maamul Goboleedka Somali Land
Ø      Maamul Goboleedka Punt Land.
 
 
 
Bayaankan waxaa go-aan ururnimo ku soo saaray:-
 
 
Maamulka,
 
Ogaden Youth Network. (O.Y.N)
                   
             U.S.A

Maqaalada/Articles

A fool’s quest for the truth By Hibaq Dualeh

Stupidity or ignorance; what motivates Abdullahi Gariiles’ lies? By Hibaq Dualeh

authorAn Advice for Revolutionary Ogadenis By Dr Shamsaddin Megalommatis

WAR CRIMES AND CRIMES AGAINST HUMANITY IN OGADENIA . By Ahmed Shiine

The Betrayal of Abdullahi Gariile and his Crooked Objectives. By Fahmo Abdullahi

A Genocide We Can Stop, Ogaden. By Ahmed Ali