|
OTHER LINKS
SOMALI LINKS
|
|
Cambaareyn Kuwajahan Maamulka Puntland.
Waxa Wax laga xumaado ah Talaabada foosha xun ee ay ku dhaqaaqeen Maamulka Puntland ee ay gacanta uga galiyeen 2 Muwaadin oo u dhalatay Somalida Ogadeniya Ciidamada Guumeysiga Itoobiya taariikhdu kolkey aheyd 22 April 2008.
Talabadaas lagu Raali galinhayo Cadowga waa mid layaab ku noqotay Shacabka Somalida Ogadeniya waana arin ku daabacan qalbiga Muwaadin kasta oo Somalida Ogadeniya ah.
Dhacdooyinkan dulmiga ah ee ay ku kaceen Puntland maaha midi u horeysay. Waxa xusid mudan iyada oo qalbiga Somalida Ogadeniya ay kasii qoyantahay Dilkii ay ugu geysteen Xabsiga Muwaadin Somalida Ogadeniya ah magaalada Boosaaso.in ay falkan foosha xun ee gaboodka laheyn kukacaan hadana.
Dhalinyarta, Haweenka, Duqeyda, Cuqaasha, Culimaa-u-Diinka, Aqonyahanka iyo dhamaan noocyada kalagadisan ee Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee UK si wada jir ah waxa ay u canbaareynayaan falalkaas foosha xun waxeyna digniintan hoose siinayaan dadkii geystay falkaas iyaga oo ogeysiinaya walaalaha Somaliyeed.
Digniiin.
Waxa kulatalineynaa Shacabka Walaalahayaga Somaliyeed ee Puntland inay kasoohorjeedsadaan Falkan foosha xun. Waxa kula talineynaa Walaalaha Nabada jecel ee shacabka Puntland inay ka hortagaan Colaada ay Maamulka Puntland aloosayaan.
Waxa uga Digeynaa maamul kusheega Puntland leynta iyo falxumada ay ku hayaan shacabka Somalida Ogadeniya ee ku jooga dhulkaas Ganacsiga iyo Booqashada walaalahood.
Waxa Maamulka Puntland ugu digeynaa inay Joojiyaan aqalada ay kala baxayaan Shacabka aan waxba galabsan ee nabada ku jooga dhulkaas Somaliyeed. Arintan oo illaa waqtigan aan qorayo warqada kasocota Boosaaso iyo Dhulka Somaliyeed ee Puntland.
Ummada Somaliyeed waxa aan kacodsaneynaa in si wada jir ah ay uga soo horjeedsadaan falkan waxshiga ah ee kasoo horjeeda Dhaqanka Somaliyeed iyo Diinta Islaamka.
Soomaali Iyo Itoobiya Waxa kaliya ee Taariikhdu ka qortaa Waa Cadowtinimo dhextaala inkabadan 500 oo qarni. Wali miis ay ku heshiisayna taariikhdu ma aysan qorin. Sidaas awgeed:
Shacabka Somalida Ogadeniya waxa ay kala mid-dhigan sida ay ula dhaqanto Guumeysiga Itoobiya cidii iskudayda ama u gudbisa Muwaadin Somalida Ogadeniya ah Guumeysiga Itoobiya.
Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee UK
ogadenuk@yahoo.co.uk
Hanqadh
|
|