Jaaliyada Ogaadeenya ee Alberta, Canada oo Cambaaraysay Maamulka Puntland.
Waxaa arrin laga murugooda ah dhacdada foosha xun ee Garowe ka dhacday 22kii Abriil 2008. Maamulka Puntland, isaga oo raacay dariiqii xumaa ee maamulka Hargaysa uu bilaabay, In uu ku raaligaliyo taliska dhiigya cabka ah ee Addis Ababa ayuu taariikhda kor ku xusan cadowga ma naxaanka ah gacanta u geliyey muwaadiniin Somalida Ogaadeenya ah. Waxaa kale oo Maamulkaasi xabsiga Boosaaso si silic ah ugu dilay muwaadin ka mid ahaa jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee ku nool Bosaaso. Wuxuu maamulkaasi iska indho saabay, xidhiidhka maslaxada dhinacyada badan ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah ka in ay si weyn u dhaawacayso.
Taliska Manaxaanka ah ee caadaysatay in uu si naxariisdaro ah u gumaado shacbiga aan difaaca haysan ee Soomalida Ogaadeenya. Waxaa xabsiyada gumeysiga ka buuxa kumanaan Soomaalida Ogaadeenya ah.Waxaa wax lala yaaba ah in manta shacbiwaynihii caalamku uu ka dhiiraday oo meelwalba ay ka qaylinayaan oo ay diidanyihiin dhibka lagu hayo shacbiga Somaalida Ogadeeniya in manta uu maamulka Puntlaand uu uga darnaado gumaystaha ku gaamuray Dhulkoodii.
Maamulka Garowe ujeedada Itoobiya inay darsaan ama fahmaan iyo natijada ka iman karta wax xil ah iskama saarin. Waana arrin nasiib darro ah oo naxdin leh. Maamulka Puntland waxaad moodaa inayna ku baraarugin xaqiiqada ah inay Itoobiya tahay cadowga koowaad ee shacabka Soomaaliyeed oo dadka Puntland ka mid yahay. Waxaa kale ooyna fahmin in Taliska Addis Ababa waqtigiisii maalmo la tiriyo ka hadhay oo aysan ahayn kii maanta loo duloobi lahaa. Waxaan u aragnaa in Maamulka Putland khaatumada iska xumeeyey, talaabadaa uu qaadayna ayna marna hakinaynin halganka Gobonimadoonka ah ee shacabka Ogaadenya. Waxaan aad uga xunahay shacabka aan walaalaha nahay ee ku nool Puntland oo innaba aan ka diirin ganacsiga iyo dilka uu maamulkoodu kula kacay dadka soo magan galay ee cadowga naxdinta daran ka soo cararay.
Cambaarayn
Annaga oo ah Jaaliyadda Ogaadeenya ee ku nool Gobalka Albertaee Canada waxaan aad u cambaareynaynaa
1. Falkan foosha xun ee maamulka Puntland uu gacamaha dhiiga leh ee gumeysiga Itoobiya ku geliyey mawaadiniinta Ogaadeenya.
2. Waxaan aad u cambaaraynaynaa Mohamed Yuusuf (Gaagaab) oo ah ninka u badheedhay dhacdadan foosha xun hadana isku dayay in uu dafiro wax sida dharaarta loo arko waxaanan leenahay gojoxo geel wax gunti la galiyo kaweyn waana taariikh adiga kuu gooni ah.
Waxaa layaab iyo fool xumo weyn ah bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe ee culimo,boqoro, cuqaal,iyo aqoonyahan leh in ay ka dhiidhiyi waayaan xadgudubka loo gaystay dad walaalohood ah oo marti u ah isla markaasna uu Maamulkii dhiibayi dafiray iyaguna ay goob jog yihiin.
Hadaba hadii ay reer Garoowe sidaas xaajada ku daayaan waxaanu u qaadanyaa in ay ku raali yihiin dhacdadan taariikhida madaw galisay magaalada garoowe.Waana dhacdo Soomaalida Ogaadeenya meel ay joogtaba ku reebtay uur kutaalo iyo tiiraanyo in badan al xusuusnaan doono lagana xisaabatmi doona.
Waxaanu xusuusinaynaa Shacabka Puntland hadii faa’iido lagu helayo kaganacsiga dadka
Ogaadeenya ama ay Itoobiya abaal ka celin waxaa faa’iido ka heli lahaa maamulkii jidkan suneeyay ee W/Galbeed waana laga dharagasnyahay cawaaqib xumaday ay reebtay.
Talo
Waxaanu ognahay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab oo ah mid lagu soo caana maalay, waxaadna modaa dad dano gaar ah leh in ay wataan raali galinta Itoobiya oo ay iska indho tireen waxa ka dhexeeya labada shacab. Hadaba waxaan ku talinaynaa in ay iska qabtaan shaqsiyaadka sida hoose Itoobiya wax ugu sheegtay,.
Ugu damabyntii Shacbiga geesiga ah ee Ogaadeenya wuxuu hayaan ugu jira gobanimadiisa wuxuuna balan qaaday in uusan cidna uga weecanaynin hadafkiisa.
Waxaan u sheegaynaa Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa garab taaganba in guusha kama dambaynta ah uu leeyahay xaq u diririka Ogaadenya.
Waxaan calaamka ugu baaqaynaa inay cambaareeyaan falka xuquuqul insaanka ka dhanka ah ee Maamulka Puntland ku kacay ee dad aan dambi iyaga ka gelin cadowgooda u dhiibay.
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Gobalka Alberta Canada.
Hanqadh