Daruuro Xornimodoon ah oo ka Curtay kanada. 

Daadkii xornimadoonka ogaadeenya ayaa iska soo daba rogmanaya dhamaan dacalada aduunka, beryahan dambe magaalada toronto ayay si aad ah uga dhacayaan shirar kala duwan oo soomaalida ogadeenya Jaaliyadeeda magaalada toronto sare ugu qaadayso kaalinta ay ka qaataan xoreynta iyo difaaca dadka iyo dalka ogaadeenya.

Sida sawirada idiinka muuqata xubnaha jaaliyada kanada oo qaadaya heesta calanka ee ogaadeenya, waxaad kaloo meeshaa kaaga cad in soomaalida ogaadeenya maanta u kala harin xoreynta dalka iyo dadka ilaa intii damiirku ka dhintay mooyee, maanta bulshada xornima u dirirka ah ee ogaadeenya suaasha lays weydiiyo ma aha qoladeed tahay? iyo jaga daydaynimo, ee waxaa la is weydiiyaa maxaad taqaan oo xoreynta dadka iyo dalka ku tari kartaa.

Shacabka ogaadeenya ayaa gaaweetadii iyo tuugsigii ka baxay wuxuuna u dareeray in uu cashar lama ilaawaan ah u dhigo damiir laaha tigreega ee soo damaaciyay dhamaan gayiga bulshaweynta soomaaliyeed ee geeska afrika.

Ilaahay mahadii maanta bulshaweyntii soomaaliyeed oo dhan ayaa xaqiiqsadey in halganka ay o.n.l. f. wadaa yahay halgan xaq ah oo ku socda tubtii lagu gaadhi lahaa xoriyad loo aayo.

Bulsha weynta soomaalida ogaadeenya waxay u shin tirinaysaa maalinta xornimadii kumanaanka usoo shahiideen ka curan doonto dalka ogaadeenya inshaa allah waxaana marag madoon ah hadii bulshada ogaadeenya dadaalka iyo midnimadooda sida ay yihiin kusii wadaan in mardhow ay iman doonto.

daljir999@hotmail.com tafatiraha daraasaadska arimaha soomaalida

hanqadh@gmail.com