Cabdi Iley iyo Daauud Axmaar oo ugu hanjabay Dhagaxbuur sidatan(Reer Dhagaxbur is dhiiba ama waala idin gumaadi ).
Sidaan horay idiinku soo gudbinay waxa kusoo qulqulay ciidan badan oo Tigree ah magaalada Dhagaxbuur oo ka imanaya dhinaca Jigjiga ciidankan ayaa waxa la socdeey Cabdi Iley iyo ninka aan hadda laga reebin ee loo yaqaan Daauud Axmaar oo aad mudo inuu waardiyo ka yahay Cabdi Iley hadana dadku ay is weydiiyaan kee ah Hogaanka nabadgalyada midkeesa Tigreegu ku kalsoonayahay.
Labadan nin ayaa mudo laga jooga bilo sidan oo kale u gabagabeeyay magaalada laakiin aan wax guula ka gaadhin oon ka ahayn lacag badan oo ay ka qaateen ganacsatadii gobolka gaar ahaan kuwii markaa la sii daayay ee u badnaa qandaraaslayaasha .
Markan waxa durba la bilaabay in la uruuriyo odayaal gaadhaya illaa 200 oo oday oo reer dhagaxbuur ah oo hadeey helaan aan la garanayn waxeey ku samayn doonaan.
``Waxa kale oo ay durba ku hanjabeen labadan nin in ay reer Dhagaxbuur masuul ka yihiin dhibka wadanka oo hadii aydaan is dhiibin la idin gumaadi doona.``
Hadaba shacabka caadiga ah ee iska xamaalanaya magaaladooda ee waliba gacantooda ku jiraa makuwa la dagaalamayaa ? waa maya jabhadu waxeey fadhidaa duleedyada magaalada oo dhan oo ay maalin walba dagaal kula gashaa meey doontaan inteey masaakiinta ku horhanjabayaan maxeey se ka faaidaan dhibka shacabka? Miyeeynaba aqoon waxa la yidhaa qiimeeynta hawlaha, waxa laga jooga uun dhowr bilood markii ay sidan oo kale ugu hanjabeen una gabagabeeyeen midhana meey dhalin jabhaduna kuma daciifin ee weey ku sii xoogaysataya .
Shacabka xidhxidh, Dil, Cunaqabatee, U hanjab, hadana filo ineey ku raacaan oo ay qaataan mabda`aaga xagee laga dheelaa caqligaa maka kilikaa oo sidaa u fikiraa.
Malaga yaabaa ineey noqoto cadaadiskan kii ugu danbeeyeey ee ay dadku isku raacaan kuna xoreeyaan Ogadenya?
la soco Hanqadh