Toloow Eegga Maxaa Xigi Doona Kol Hadeey Puntland Ku Mintiday Dillaalnimadii.
22kii bishan waxeey dhiibeen labno xubnood oo ka tirsanaa G/Dhexe ee jabhadda wadaniga xoraynta ee Ogadenya taasooy dafireen waloow ay sida dayaxa shan iyo tobnaadka ay u cadayd oo ay xataa salaadiintii iyo ugaasyadii ay ku qireen.
Haba la murmo hana la yidhaahdo waan canbaaraynaynaa iyo waxba maanaan ka ogayn haku calaacaleen wasiirada Puntland bal eegga maxeey ku andacoon kol hadii 6 kale ay shaleey markeey saacadu 5:00 galabnimo afrikada bari ahayd oo shacab muruqmaala ay u gudbiyeen Tigreega.
Nin guri muraayada ku jiraa dhagaxyo matuuro:- Waxa muhiima inla xuso halka ay maanta taallo Puntland oo ah dhinac walba gidaar weyn oo shuba oo macnaheedu yahay ineey kujiraan jeel dabiici ah oo la mida kan ay ku jiraan shacabka Somalida Ogadenya oo laakiin waligood aan is dhiibin inta uu qof ka noolyahayna wey wadi doonaan dagaalka.
Puntland iyo konfur wey kala dhinteen waayo waxeey puntland la safatay Tigreega ku dhex gaw gawracaya masaajida magaalo madaxdii Somaliyeed Muqdisho Maamulka Waqooyi ee Hargaysana waxeey ka qabsatay gobolkii SOOL ee ay mudada dheer ku taamayeen mana laha maanta awood ay kusoo ceshadaan.
Hadaba albaabka kaliya ee u furnaa wuxuu ahaa kan Ogadenya ee ayna wax colaadi maanta ka hor kaga furnayn laakiin ay hadda iyagu dalbadeen.
Marka waakaa jeelka dhinac walba ka xidhan ee ay maanta ku jirto Puntland, marka waxa mudan in la isweydiiyo xageey ka bixi ma bada?
Hadalku wuxuu ku koobanyahay waa in raggaa loo aaro kadib aan wada hadalnaa, midkalena hala ogsoonaado shacabka Ogadenya waa biyo kama daataan maanta wax dhiba oo u hadhay ma jiro colaada Puntlandna waxba ku siyaadin mayso waayo horeey u dhibnaayeen.
Eegga waxaan war ka sugaynaa halka uu noo jiheeyo maamulkayaga siyaasiga ah waa JABHADDA WADANIGA XORAYNTA OGADENYA oo uu ka war sugayo shacabka Somalida Ogadenya ayna fulindoonaan wax walba oo kasoo baxa hogaanka sare.
Ogsoonow shacabkan iyo jabhaddiisu waxeey u babac dhigeen nimanka sheegta awooda geeska afrika ayna kaga cabaadiyeen hadana uu caalamku u qiray, Marka miyeey u daahi Puntland oo ah afar aqal oo is eegaysa.
Hanqadh Editorial
Hanqadh@gmail.com