BBC somali 11:00

BBC somali 18:00

BBC somali 14:00

Radio Xoriyo

OTHER LINKS

African News Papers

Arab News

Daily Nation Of Kenya

East African Standard

SOMALI LINKS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

FAALLO:Madaxweynaha kililka (Lugbuur) oo waayadan aan ka muuqan saaxada siyaasada wadanka.

Waxa maalmahan la is weydiiyaa magaalada Jigjiga waxa ku dhacay madaxweynihi kililka Lugbuur oo hal mar laga waayay saaxada siyaasada iyadoo dadka qaar ku tuhmayaan in la badalay oo aan wali shaacin.

Sida lagu yaqaan maamulka Addis ayaa markeey doonaan badala markeey ka daalaan kolba ninka jagada loo dhiibo iyagoo waliba ugu dara xadhig marka laga qaado jagada badanaaba.

Hadaba waxeey dhalinjirtay xogaa muran iyo is daba orod iyo isku eri intaba markeey soo baxdo xanta badalka madaxwynaha laakiin sida muuqata hadda wax walba waxeey u socaan si qarsoodi ah iyadoo loo badinayo laba mid uun.

1:Cabsi aan caadi ahayn oo haysa dadka

:2:Iyo in aysan jirin kooxaysi xoog leh oo wax dalban kara.

Laakiin warar hoose oo xog ogaala ayaa noo sheegay in aysan jirin wax kooxaysi ah sidii horay u dhici jirtay ee ay hadda jirto Qabaail ka mida qabiilada gobolka Jigjiga deegaan ahaan daga in ay si cad u codsadeen in la siiyo jagada Madaxweynaha oo la gaadhay xilligii ay qaban lahaayeen jagadaas.

Qabaailkan ayaa ciyaara kaadh aad khatar u ah oo ay ku adkaatay ninka xafiiska raisalwasaaraha u qaabilsan kililada inuu ka jawaabo ama uu xal u helo waxayna cuskanayaan labadan qodob.

1:In ay deegaanadoodi ku xoogbadatay ONLF hadaan jagadaas la siina ay wada raaci doonaan, laakiin hadii loo doorto madaxweyne ay iyagu isku hayn doonaan qabaailka.

2:Waxeey tusaale u soo qaadanayaan sida ay hadda ugu xoog badatay ONLF Gobolka Shiniile kadib markii siyaasiga weyn ee reer Ogadenya oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Shiniile Mudane Riyaale Xaamud ugu biiray ururka ONLF.

Waxaana lagu wadaa ineey u badantahay ineey ka gaadhaan guul laakiin waxa haysta wali hal cilad oo ah, Waxeey ka tallaabsadeen saraakiisha Tigreega ee jooga Jigjiga oo isu haysta in ay iyaga wax walba ka go`aan .

Saraakiisha ciidanka ayaa iyagu aaminsan in aysan qolyahan wax badan ka badali karin wacyiga dhabta ah ee yaala gobolada saamayn weyn aysan ku lahayn halka shacabka Ogadenyana uusan dan ka lahayn cidii timaada.

Hadaba sababaha loo cuskanayo ka takhaluska Lugbuur ayaa kala ah sidatan.

a: Caydhintii hay`ada MSF oo la isku in aan lagala hadlin saxaafada oo uu kor ugu dhawaaqay dabcan isagoo isagu aaminsanaa inuu mujiya awoodiisa laakiin Addis maysan rabin sidaas.

b:Qaraxii lagu qarxiyay Jigjiga isaga iyo saraakiishi Tigreega ahaa ee kal hore dabaal dagii markeey qabsadeen wadanka oo uu isagu lahaa fikirka dabaal daga iyo sugida amaankaba loona qaatay shirqool ay ka badbaadeen masuuliyiin badan oo kililka ka mida waxa loo qabsaday oo cadho badan oo ciidanka ah keentay markii la ogaaday in ay ku dhinteen labo General oo Tigree aah oo ka masuul ahaa istiraatijiyad cusub oo lagu wadeey ineey hirgasho laakiin kobtaa ku dhicisoowday.

c:Sharcigii cunaqabataynta ee Barlamaanka Maraykanka ee la magac baxay HR2003 oo ahayd guul u soo hooyay ururka ONLF ayna ahayd inuu ka qaybgalo oo uu difaaco Ethiopia laakiin uu ku guuldaraystay anyna ku xarash siyaasadeed oo loo hayo.

d:ONLF oo aad u sii xoogaysatay intii uu xukunka hayeey dagaalo waaweyn gashay magaalooyin badana qabsatay.

e: hawlgalkii caanka noqday ee Cobolle oo isna uu bixiyay sharaxaad faalso ah oo uu ku sheegay in amnigu suganyahay

f: Bandhigii ALJAZEERA ee taariikhiga noqday oo gabi ahaanba ku fashilmay waayo waxa jirteey in ay ALJAZEERA hadda ka hor ugu timid xafiiskiisa uuna ku guul darraystay in uu wax ka dhaadhiciyo si xuna uu ula dhaqmy deedna ay xagga kale ka wareegeen, arinkan ayeey Addis u aragtay in uu ahaa jaanis dahaba uu lumiyay.

Masoo wada koobi karno dabinada siyaasiga ah ee uu ku dabramay LUGBUUR laakiin waxa ugu waa weynaa kuwan.

Waxaad xusuusnaataan in aan marnaba la barbardhigi karin guulaha siyaasada ONLF iyo tan kililka oo siyaasada ONLF waa mid gaamurtay oo xor ah kuna dhisan danaha shacabka iyo kan wadanka kana timaada maskax wadani, halka tan kililka ay u adeegto guumaysiga mana aha mid xoro waa mid loo yeedhiyo ayna ku danaystaan shaqsiyaad kooban.

Natiijada ololahan guumaysiga ee ah kana siib kan saar ee maalin walba mid kii hore ka liita lagu keenayo kala soco kobtan

HANQADH

Maqaalada/Articles

A fool’s quest for the truth By Hibaq Dualeh

Stupidity or ignorance; what motivates Abdullahi Gariiles’ lies? By Hibaq Dualeh

authorAn Advice for Revolutionary Ogadenis By Dr Shamsaddin Megalommatis

WAR CRIMES AND CRIMES AGAINST HUMANITY IN OGADENIA . By Ahmed Shiine

The Betrayal of Abdullahi Gariile and his Crooked Objectives. By Fahmo Abdullahi

A Genocide We Can Stop, Ogaden. By Ahmed Ali