Qabqabashada, Xidhayga iyo Gadashada Reer Ogadenia-Ganacsiga Cusub ee Qarnigan “Laf-dhuun gashey oo lagu margan doono”
Faalo iyo Falaqayn:
Maalmahan ugu danbeeyay waxaa warbaahinta soomaalida iyo hayadaha xuquuqul insaanka ayka hadleen in badan qabqabashada shacab reer ogadenia ah oo isugu jira xoogsato-muruqmaal, bukaan daawo iyo caafimaad uyimid puntland, ganacsato iyo labbo xubnood oo ka mid ah gollaha dhexe ee Jabhada Wadaniga Ogadenia JWXO. Qabqabashada dadkan waxaa iska kaashaday dawlada Ethiopia iyo Wasiirka Maaliyada ee maamul-goboleedka puntland Mr GAAGAAB. Haddaba falkan dambiga iyo meel kadhaca ku ah sharafta-shaqsinimo, islaanimo, wadananimo iyo dhalashoWaxaa go,aamo iyo dhaleecayn kasoo saarey xubno ka mid ah waxgaradka iyo culimo-awdiinka Puntland, balse aan wax ficil ah ka qaadin; waxaana iyana jawaab kulul ka bixiyey bulshaweynta Absame meel kasta oo ayjoogaan, hadday noqon lahayd guddaha Ogadenia, Jubada hoose, jubada dhexe iyo NFD-Kenya.
Waxaan aan kuqaadaal dhigaynaa qormadan sabaha kadanbeeya gacangelinta shacabka reer ogadenia loogacan gelinayo Ethiopia.
Hadaba waaxay sababta loo qabqabanayo dad shacab ah oo aan danbi kagalin maamul ay ku hoosnool yihiin? Yaa kadanbeeya qabqashada dadkan? Maxaa faaiido ah oo ay kahelaysaa puntland caddaadiska ay Ethiopiau caddaadinayaan shacabka reer Ogaden? Puntland iyo Soomaliland ma Ethiopia ayay hiil uyihiin? Misse waa Aano qabiil oo ka dhan ah beel weynta Absame waxan ay caadaysteen? Maxay Soomaliland ka faiiday Qorshaheedii ahaa xidhxidhka Ogaadeen? Maxayse Puntlan ka faaiidi doontaa eegga?
Haddii aan ka jawaab su,aasha koowaad, waxii eegga ka horeyey, ma jirin wax dhib ah oo horre ama collaad ka dhaxaysey labadan shacab ee walaalaha ah oo wadaaga wax-walba, haday noqon lahayd Deegaan, daaqsin, nassab, ganacsi iwm, marka lagga reebo dhacdooyin yaryar oo laga soo gudbay. Waxaan wadda odsoonahay in General Cadde illaa affar jeer looga yeedhay Ethiopia. Waxa lagala hadlayeyna ay ahayd arinta ONLF iyo siddii puntland iyo Ethiopia meel uga soo wadda jeedsan lahaayeen. Qorshayaasha cadde muuse lasoo siiyey waxay ahaayeen inuu qabqabto dhamaan dadka reer ogaden ee kunool puntland una soo gacan galiyo Ethiopia isagoo ku eedaynaya waxay ka mid yihiin ONLF, si dawlada Ethiopia u xalaalaysato dhiigooda. Maamulka Bari ma ayna dhooroofin dabinka loo dhigayo ee si fiican ayay u dhex yuurursadeen; waxayna bilaabeen xidhay jamac ah oo aan look ala aaboyeelin iyo ugacan galin Ethiopia. Waxay horjoogayaasha puntland dafiren inay dhiibeen dad udhashay gobolkaas iyadoo arintaasi aanay wax shaki ah kaga jirin dhamaan reer ogadenia iyo bulshaweynta soomaaliyeed ee guumaysiga neceb. Waxay u egtahay arintu waan kuusoo qabqabani ee etiopiayay ha isheegin. Soomalidu waxay horey ugu maahmaahdey “Gujuxo geel wax gunti lagaliyo ka weyn.” Haddaba dafiraad iyo qorrax sacabka la saaro maamulka puntland iyo shacabkoodu ma kaga gudbayaan jaa,ifada ay gaysteen? Waxaan aaminsanahay inayna noqondoonin arinkani mid saa lagu illoobi doono ee uu noqon doono mid in badan laga shalaayo. Puntland laf dhabarkeedu waa dakada bosaaso iyo dhaqaalaha ka soogala. Waxaan wadda ogsoonahay in dakada boosaaso ay martey waxii hadda ka denbeeya meesha ay martay tii Berbera. Waayo boosaaso waxa laga dhoofiyo ama laga soo dajiyo 90% waa wax ka yimaada Ogadenia hadday noqon lahayd xoolaha nool sidda geela, Adhiga, Loda, Xabagta iyo Hargaha. Dhamaan badeecada aan sheegnay waxay soo galiyaan maamulka puntland lacagata adag ee dolarka iyagoo u iibgeeya wadamada carabta, hadaba puntland ishii kaliya ee ganacsi ama dhexmar ee la lahayd soomaalida deggan geeska afrika way iska soo oodday.
- Ujeedada ka danbaysa Arinkani maxay tahay?
Waa arin u baahan fahan dheer in la ogaado istrategiyada laga leeyahay falkan; Haddaba cida ka danbeysa ee amarka iska leh waa Ethiopia oo runtii dagaalkii ay kula jirtey ONLF u soo rartey gudaha soomaliya. Waxaynu wada ogsoonahay mudada uu socday halganka midaysan ee JWXO iyo heerarka uu soo maray. Waxaa u cadaatey taliska uu madaxda ka yahay Meleze inuusan ka adkaan Karin jabhad dhowr iyo labaatan jirsatey oo ka dhex halgamaysa dhulkeedii hooyo oo ay hiil iyo hoo lagab taagan yihiin dadweynaha ay xaqooda raadinayaan. Waxaa u soo baxay meliza Zenaawi inuu hiil kadalbado adeegayaashiisa horjooga maamulada soomaaliya sidda puntland iyo Somaliland.
- Ujeedooyinka ay Ethiopia ka leedahay arintan waa farabadan yihiin waxaase ugu muhiimsan kuwan soo socda.
- In ay qoomiyadaha ama qabiilada soomaaliyeed kala irdhoobaan oo uu bilowdo dhiig sokeeye oo data taas oo faaiido u ah tigreega.
- In uu istaago dhamaan waxii xidhiidh ahaa ee u dhaxayn jiray laban shacab ee deriska ah.
- In xiddidada loo siibo waxii la odhan jiray soomaalinimo iyo isu nixitaan maadama soomali ay somali kale ugacan gelisay Ethiopia.
- In Ethiopia cidday doonto soomaaliya kasoo qabsato hadday noqon lahayeen culimo-awdiin, Wadaniyiin iyo jabhadaha halganka kula jira iyagoo ciddii ka hortimaada tusaalle uga dhigaysa waxii ay qabteen Somaliland iyo puntland qabo haddii kale waxaan kuu arkaynaa cadowga Ethiopia.
Shirkii Abdullaahi Yuusuf ee Washington, DC ee beeshiisa
Abdullaahi yuusuf waxaa uu si cad ugu sheegay beeshiisa mar uu kula hadlayey magaalada Washington, in caqabada ugu weyn ee hortaagan dawlada kumeelgaadhka ah ay tahay beesha Ogaadeen-Absame.
“waa ayaga kuwa hortaagan horumarka saaxiibadeen Ethiopia, waa iyaga kuwa dilay 800 oo wiil oo aan kala imid Garoowe kuna dilay dagaalkii IIDAALE, waa ayaga kuwa aan Jubooyinka ugeli lanahay ee ka hortaagan dowlada, waa iyaga kuwa hawiye iyo Eritria is barey, waa ayaga kuwa garab istaagey muqaamawada, waxay ka dagaalamayaan muqdisho, waxay maalinkasta leeyihiin soomaaliyey waa la idin qabsadey ee la dagaala ethiopia” Waxaan kale oo aan wada ogsoonahay dhibaatada duqaynta ah ee loogaystey jubooyinka oo ahayd arrin uu si cad Cabdululaahi yuusuf u qirtey inuu isagu ka denbeyey.
- Ujeedooyinka puntland ee ka leedahay xidhxidhka iyo ka ganacsiga shacabka reer Ogadenia waxaan ka soo qaadanayaa dhowrkan qodob ee soo socda.
- In ay ka helaan Ethiopia caawimaad millatari iyo mid siyaasadeed.
- In maamulka Cabdullahi yuusuf kalsooni dheeraad ah ka helo Ethiopia, maadaama ay u gacan geliyeen dad ka soo horjeeda xukunkiisa(Ogaadeen).
- In Ethiopia amar ku siiso Somaliland inay kabaxdo Sool iyo Sanaag si awoodii puntland usoo noqoto maadaama aysan awood ulahayn Puntland inay dib ula soo noqoto gacan kuhaynta Laascanood.
- In General Cade muuse uu muddo sii ahaado madexweyneha puntland.
Ficilka ka Dhalan kara Falakan ay Puntland qaadey.
- Marka Koowaad waxaa istaagidoona dhamaan is dhexgal labada dhinac.
- Waxaa bilaabanayo dil qabiil iyo aargoosi bilawdo oo saldhig u noqonaya collaad cussub oo bilow ah.
- In nin walba meeshuu joogo ama awwod u leeyahay ku amartaagleeyo.
- In shacabka soomaalida ogadenia dhamaan ka baxaan gobolka puntland iyagoo u wareegi doona gobolada kale ee dalka sidda Jubaland oo ah deggaan ay degaan eheladoodu.
- In beel weynta Absame dhamaan ay meel uga soo wada jeedsadaan Dawlada melez taageero eee uu madaxda ka yahay Cabdullahi yusuf.
Hadii aan ku bilaabo qorshaha Ethiopia ka leedahay arinkan, waxaan u qaybinayaa labbo arimood. Ta koobaad, Ethiopia haddii ujeedadeedu tahay in ay kagga guuleynsan katro ONLF qorshahan qabqabashada ah waxaan dhihi karnaa waa riyo aan urumoobaynin. Sababtoo ah ma aha markii ugu horeysey ee shacab u dhashay ogadenia loo gacan geliyo taliska Ethiopia. Arinkaasina hor umar mooyee waxba kama dhimin halganka xaq u dirirka ah ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia (JWXO).
Tan labaad, waa u shaqeyndoontaa Ethiopia illaa xad sababtoo ah dadka shacabka ah, dhalinyaradan lagatey ee muruq-maalka ahayd waxay leeyihiin ehel kunool meelo kala gedisan oo geeska afrika ah waxayna qaadidonaan talaabo ah inay raggii raggooda gatey ka aargoostaan(CAADO SOOMAALI).
Dhinaca maamulka puntland, waxaa soo foodsaartey cabsi iyo walaac farabadan. Waxay doorbideen Ethiopia inay raali geliyaan oo ay dhibaateeyaan shacabka Absame. Taasi waxay keenaysaa in puntland ay ka go,do Ethiopia illeen puntland buundo ay igu talowdo Ethiopia maleha,e. halkaas waxaa soo foodsaari doono puntland arinta manta ay Hargeysa-maaamulka Waqooyi gelbeed ka shalayteysan yahay.
Jabhada ONLF waxaa ay u tahay guul sababtoo ah shacabweynaha soomaliyeed ee xornimada iyo sharafta jecel waxay la garab istaagi doonaan hiil, hoo, naf iyo maalba. Waxay soomalidu ogaatey in Shacabka reer Ogadenia loo dhibayo soo cilinta sharafta soomaalinimo, islaanimo iyo qaranimo.
Jaamac Todhiye.
todhiye@gmail.com