gabaygan waa gabay tacsi iyo baroor diiq ah oo aan utiriyeey allah haw naxariistee hagaamiyihii hore jwxo sheekh ibrahim abdallah maax allah haw naxariistee ku geeriyooday ( ubu dabai)
gabaygaiina waa kan waxaa tiriyey gabaygan mowlid hassan

inkastoo aduunyadan dusheed cidi kuwaaraynin
oo ay ambiyadii tagtiyo idil rasuushiiba
oo iilka lays gaaynayoo la in kirayntaana
sheekh ibraahim umadaa jecleeyd loona wada ooye
aas asskii halgankuu ahaa udub dhexaadkiiye
nin walibana abaalkuu dhigtaa lagu iloobayne
iftiinkii ogaadeeniyuu ahaa olol kamuuq dheere
aabihii agoontuu ahaa kii itaa; darane
uruuriyaha shacabkuu ahaa uurnugaly badane
ixtiraam waxaa loo hayaa aad u fara weeyne
aqoontiyo tacliintuu nabaraan ku intifaacnaaye
aloolihiyo xoriyaduu unkaan wali arkaynaaye
ujeedada gumaysiga markuu diiday idilkeedba
waa kii abaan duule nimo weerar ku eekeeyey
waa kaay abeed iyo abeed wada asqoobeene
waa kaa tigreegii ambaday oolalayeey reemay
amaqaadkii geediga waakaan eeganka daaqaya
arliga iyo dadkuba waa ogyahay midho abuurkaase
uurkaa ihurayoo qalbigu ii askumi waaye
indhayga ilmadii katimid oogaday gubiye
anfac iyo cuntaba diidayoo oontii waa nacaye
alleelkii hurdada jiif ma lado tan iyo oogtiiye
inkastoo uu iilgalay hadan lama ilaawaanku
ee bahay agtiisuu ka heli agabyo waaweeyne
umal iyo xanaaq muu aqoon laga irdhoobaayee
eex iyo qabiil laguma xaman eedna muu faline
uumiyihu kobtuu joogi jiray way ku ururaane
arbihii lawada daawan jiray waa albaab dumaye
eegana iraadahaa janaduu agab san doonaaye
iftiinkii fardoowsuu heliyo aqalo waa weeynee
ubax iyo waxuu noo ahaa oogta waa bariye
ajar iyo wuxuu khayr faluu heli inshaaleeye
aamiiin aaloow naga ajiib waa ehelu khayrkaase
Mawliid