|
OTHER LINKS
SOMALI LINKS
|
|
walaallayaa waxaan jeclahay in aan halkan kusoo bandhigo tix gaaban oo gabay ah oon oogu magac daray: Allahayow gaboodkey faleen gama´a noo diidye.
taas oo katurjumaysa dhibka haysta maanta umadda soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kan kuhabsaday ummaad soomaaliyeed ee kunool Ogaadeenya waxaana kubilaabay hadalkii sidan:
guud ahaan gayiga soomaaliyeed maanta wuu gubane
gaajiyo haraadbay qabaan goballadeedii
niman gawsa weynbaa heloo gaalla wuuyimide
balse geeribay kadoorteen inay gumeysi yeelaane
gamaskay cabbaysteen dhammaan ina gun mooyaane
hayeeshee waxaan maanta gali xaajo guda weyne
waa aduun gadoomoo kufriga loo gurbaan tumiye
waa aduun ninkii giniya raba ubadka googoyne
waa aduun xumaan loo gudboo dhiigu gobo´leyne
waa aduun ninkii geesiyaa giirka laga goyne
waa aduun tigree xoog kugali meel kastoo godane
gadhwadeenadiisuna yahiin Geedi oo kale
Gaagaab iyo ragii eeda galay ceebna garan waayay
Allahayow gaboodkey faleen gama´a noo diidye
gumeysigan madowbey rabaan inay gunneeyaane
gobi saa mayeesheen illeen gacalku waa beene
Sooyaan haday u gacan gasheen nimanka gagaaban(tigree)
oo Dhiire meel uu kujiro aan lagaraneynin
Adigey Rabow kuu go´een JAWXO (onlf) ood garane
gaalkey la diriraan kufriga gubay dhulkoodiiye
diinteyna garbsiinayaan taana waad garane
Guullow Allahayow Rabow gacan inaad siiso
geesiyaasha JAWXAAN rabaa inaad gar gaartaye
inaad gaalka madhisaan rabaa gabi ahaantiise
kawgurbaan tumaayaan rabaa inaad kagoysaaye
ubadkeyga gaajadu dishee cudurku googooyay
nimankaa gumeysteed Rabow garan xumaantooda
ruuxii ka geylaymana dili gabanna reebeynin
gabaygeyga kuma koobi karo xumahay geysteene
Gacan bira gantaaliyo Allow gudumo soofeysan
guulaamo roobkeedu yahay gaaska lagu hoobtu
Guullow kusiidaa kuwaa guudka nagasaaran
Mohamed Abdi Wali
Hanqadh
|
|