|

Jaaliyada swizerland & o.y.l oo ka qaybgalay maalinta qaxootiga aduunka.
JOS IYO OYL OO KA QEEYB GALAY XUSKA MAALINTA QAXOOTIGA ADUUNKA
Ururka dhalinyarada (OYL) iyo jaaliyada Ogaadeenye ee Switzerland (JOS) ayaa maanta ka qeeyb galay xuska maalinta qaxootiga aduunka. Xafladan oo ka dhacday magaalada la Chaux-de-Fonds ee wadanka Switzerland ayaa waxaa ka soo qeeyb galay jaaliyado badan oo ka soo kala jeeda afarta qaarad ee aduunka. Ujeedka ka qeeyb galka xafladan ayaa ahayd in goobta lagu soo bandhigo in umada Ogaadeenya biloowday in eey qaxdo ka dib markii itoobiya si sharci daro ah ku xeenydaabatay Ogaadeenya dhamaadkii 1955 iyadoo halkaa ka biloowday xasuuq iyo barakicin si shicibka ugu qasabto in eey gumeeysiga ogalaadaan.

Sanadkii 1977 ayaa umad ku dhow laba malyan ka qaxeen Ogaadeenya iyagoo magangalay jamhuuriyadii Soomaaliya. Ka dib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dilaacay dhamaadkii 1990 tiro qaxootigan ka mid ah ayaa dib ugu laabtay Ogaadeenya halka in kaloo badana door bideen xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Xusuuqa gumeeystada itoobiya ka wado Ogaadeenya darteed ayaa dad aad u tiro badan weli ka soo qaxayaan gobalka Ogaden iyadoo la iloobeen in ka badan todobaatan kun oo qof itoobiya ku bara kicisay gudaha Ogaadeenya, dadkan oo aay gumeeysatada itoobiya ka gubtay deegaanadii eey daganaayeen is la markaana isugu keentay goobo cayiman si dhaqdhaqaaqooda u koontoroosho. Intii uu bandhigani socday ayeey JOS iyo OYL halkaa ku soo bandhigeen buugaag iyo qoraalo ka turjumaya dhibaatada itoobiya ku heeyso umada Ogaadeenya ee aay gumeeysato.

Qoraalo JOS iyo OYL halkaa ku qeeybiyeen ayeey ku xuseen in dunidu waajib ku tahay soo fara galinta dhibaatada ka taagan Ogaadeenya si markaa umadu iyadoo xor ah dalkooda ugu noolaadaan. midan ayaa doorweeyn ka ciyaari lahayd xakameeynta xaqootiyada ku soo qulqulaya wadamada reer galbeedka.
Email : communauteogaden@net2000.ch
hanqadh@hanqadh.com
|