BBC somali 11:00

BBC somali 18:00

BBC somali 14:00

Radio Xoriyo

OTHER LINKS

African News Papers

Arab News

Daily Nation Of Kenya

East African Standard

SOMALI LINKS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

JABHADDA WADDANIGA XOREYNTA OGAADEENITA

Kalfadhigii 4aad ee Golaha Dhexe 22 – 30/07/08

Go’amadii Kalfadhiga

Kalfadhigii Golaha Dhexe ee JWXO oo qabsoomay 22 – 30/07/2008, waxaa lagaga dooday ajende xambaarsan qodobo doodeeyo mugweyn oo khuseeya halganka Ogaadeenya, sidii loo maarayn lahaa caqabadaha iyo halisaha halganka soo foodsaaray iyo sidoo kale dejinta qorsheyaasha hawleed ee lagu horumarinayo halganka.

Kalfadhigu wuxuu si qoto-dheer u falanqeeyay, una qiimeeyay xaaladda gobolkaGeeska Afrika, caalamka guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa Ogaadeenya. waxaa si sugan loo qiimeeyey tayada fulinta qoysheyaashii iyo barnaamijyadii halganka mudadii u dhaxeysay labada kalfadhi. Waxaa la isla qiray in guulo lagu naaloodo lagu gaadhay qorsheyaashii iyo barnaamijyadii hawleed, kuwaas oo u fuley sidii loogu talogalay.Wuxuu goluhu soo dhaweeyey guulaha waaweyn ee mudadaas laga soo hoyiyey dhinaca Ciidan,siyaasad iyo abaabulka. Kalfadhigu wuxuu ku diirsaday heerka biseyl iyo adkeysiga shacbiga geesiga ah ee u babacdhigay cadaadiska naxariis darada ah ee cuna-qabataynta, barkicinta iyo xasuuqa joogtada ah iyo dulmiga wajiyada badan.

Sidoo kale wuxuu goluhu u riyaaqay guulaha taariikhda galay ee ay soo hoyiyeen halyayda CWXO Iyo waxqabadka jaaliyadaha Ogadenia mintidka ah.

Kalfadhigu wuxuu isla qiray in taliska gumaysatada itoobiya yahay mid aad u nugul marka laga milicsado dhinacyada siyaasadda, ciidanka iyo dhaqaalaba, oo jiritaankiisu ku tiirsan yahay taageerada siyaasadeed iyo dhaqaale uu ka helo dalalka shisheeyaha gaar ahaan reer galbeedka. Waxaa la isla gartay inay soo ifbaxayaan ifofaale muujinaya in Itoobiya ku guuldaraysatay siyaasadeedii ku salaysanayd dhulbalaadhsiga iyo xoog ku muquuninta rabitaanka dadyawga Geeska Afrika. Wuxuu ku fashilay qabshadii Jamhuuriyada Soomaaliya
cabudhinta qawmiyadaha uu gumeysto iyo damaciisa gardarada ah ee ku wajahan dalalka dariska ah kuwaas oo sabab u ah deganaansho la’aanta Geeska Afrika.

Dood, falanqayn dheer iyo qiimeyn mug leh ka dib, Kalfadhiga 4aad ee JWXO wuxuu gaadhay go’aano dhaxalgal oo lagu hormarinayo halganka wuxuuna dejiyey qorshe istraatiiji ah iyo barnaamijyo hawleed ku abaaran marxalada uu marayo halganku, mustabalka dhow iyo midka durugsan, ee dhinacyada Ciidanka,siyaasada , abaabulka iyo iskaashiga xoogaga xaq u dirirka ah ee ka halgamaya gobolka G.Afrika.

Waxaa la gudoonsaday:

In la xoojiyo guulaha dhaxalgalka ah ee laga soo hoyiyey dhinacayada abaabulka dadweynaha gudaha iyo jaaliyadaha, ciidanka, dilomaasiyadda lana sii horumariyo dadaalka badan ee loogu jiro xoreynta dalka hooyo.
In la adkeeyo midnimada isku duubnaanta shacbiga Soomaalida Ogaadeeniya si loo fashiliyo shirqoolada iyo barnamijyada dhagareed ee Cadowga
In la adkeeyo iskaashiga xoogaga xaq u dirirka ah ee dadyowga Geeska afrika ee ka soo horjeeda gumeystada Itoobiya.
In la sii xoojiyo dadaalka diblomaasi iyo warfaafineed ee laga raaridayo bulshada caalamka xaqnimada qadiyada Ogaadeeniya.
Kalfadhigu wuxuu bogaadin u soo jeediyey shacbiga geesiga ah ee soo hoyiyey guulaha waaweyn, gaar ahaan halyeeyada CWXO iyo jaaliyadaha mintidka ah ee ka hawl gala qurbaha.

Kalfadhigu wuxuu cambaaraynayaa:

Dhibaatada iyo dulmiga gumeysatada Itoobiya ay ku hayso shacbiga Ogaadenya, sida cunoqabataynta, barakicinta, xasuuqa, dilka, kufsiga iwm.
Gumaadka ay gumeysatada Itoobiya ku hayso shacbiga aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo siyaasadiisa guracan ee hortaagan dib u soo noolaynta qaran Soomaaliyeed oo madax banaan.
Siyaasadda gumesatada Itoobiya ee dal balaadhisiga ku dhisan ee sababta u ah xasilooni darrada ka aloosan Geeska Afrika.
Falkasta oo argagixiso ah, ha ahaado mid xukuumadeed, mid shaqsiyeed iyo mid kooxeedba.

Kalfadhigu wuxuu ku baaqayaa:

In la sii xoojiyo midnimada iyo isku duubnaanta shacabka lama loodiyaanka ah ee Ogaadeenya, isla markaana laga hortago qorshayaasha uu cadowgu doonayo inuu ku kala qaybiyo.
In shacbiga Ogaadenya si mintid uga hortago fashiliyana qorshayaalka gumeysatada Itoobiya ku doonayso inay halganka xaqa ah ee Soomaalida Ogaadeenya ujeedadiisa iyo nuxurkiisa kaga been sheegto.

wuxuu mar kale uga digayaa xukuumada gumaysiga Itoobiya iyo sharikadaha shisheeyaha ah inay isku dayaan inay ka faa’iidaystaan khayraadka dabiiciga ah ee dalka Ogaadeenya.
In la sii xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya JWXO iyo ururrada iyo jabhadaha ka soo horjeeda gumaysiga Itoobiya.
In shacbiga Soomaaliyeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed u midoobaan dibu xoreynta dalkooda iyo soo celinta haybadii iyo sharaftii qarankab Soomaaliyeed.

In si degdeg ah oo aan shuruudi ku jirin Itoobiya ugala baxdo ciidammadeeda dalka Soomaaliya.
Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay taliska Itoobiya ku cadaadiyaan inuu joojiyo siyaasadiisa dhul-ballaadhsiga ah, isla markaana uu u hooggaansamo go’aankii Guddiga Xadka ee Eriteretaya iyo Itoobiya.

Taliska uu madaxa ka yahay gacan ku dhiigle Meles zanaawi wuxuu ka galay shacbiga Ogaadeenya dambiyo dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadamaha, sidaa darted waxaan beesha caalamka ugu baaqaynaa in kooxda uu hogaamiyo keligii taliye Zanaawi la hor keeno Maxkamadda caalamiga ee dambiyada dagaalka.

Wuxuu beesha caalamka u sheegayaa in furaha nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika uu yahay xal u helidda qadiyada Ogaadeenya, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay inay xukuumadda Itoobiya ku cadaadiyaan inay oggolaato xaqa ay shacbiga Ogaadeenya u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan.

Kalfadhigu wuxuu mar kale cadeeyey mowqifka JWXO ee ah in wada xaajood nabadeed lagu xaliyo qadiyada Ogadeniya,islamarkaana uu shacabka Soomaalida Ogadeniya, mar walba diyaar u yahay inuu iska caabiyo dulmiga uu ku hayo taliska Meles Zinawi iyo ku xad gudubka xuquuqdooda asaasiga
Cuna-qabataynta lagu hayo shacbiga Soomaalida Ogadeniya ee dulman waa dambi dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadamiga.Sidaa darteed Kalfadhigu wuxuu beesha .

Hanqadh

Maqaalada/Articles

A fool’s quest for the truth By Hibaq Dualeh

Stupidity or ignorance; what motivates Abdullahi Gariiles’ lies? By Hibaq Dualeh

authorAn Advice for Revolutionary Ogadenis By Dr Shamsaddin Megalommatis

WAR CRIMES AND CRIMES AGAINST HUMANITY IN OGADENIA . By Ahmed Shiine

The Betrayal of Abdullahi Gariile and his Crooked Objectives. By Fahmo Abdullahi

A Genocide We Can Stop, Ogaden. By Ahmed Ali