Mucjisooyinka Onlf Qaybtii 2aad.

 Qaybtii hore ee maqaalkan waxan sikooban  ugu iftiiminay marxaladaha qalafsan ee uu kasoo gudbey halganka xornimo-doonka ah ee ka socda Ogadenya iyo sida ay dowlada Ethiopia ugu guul daraysatay inay hor joogsato rabitaanka shacbiga dulmi-diidka ah ee S/Ogadenya.
waxaynu Qaybtana ku eegaynaa waxyaabaha dhiiri galiyey halganka ay ONLF kula jirto dowlada Ethiopia iyo ficilada ay isla Ethiopia sababta u tahay kuna muujinayso inay tahay dowlad gumeysi ah kaliftayna inuu shacabku ka horyimaado sibuuxdana utaageero halganka ay ONLF kujirto  waxaa kamid ah Arimahan hoose:

b) waa mide dadka s/ogadenya marumeysna in Ethiopia tahay dowladoodii Bal waxay siweyn u aaminsan yihiin in lahaysto oo lagumeysto taasna waxaa sabab u ah kasokow taariikhihii lasoo maray ficilada dowlada Ethiopia ay kula dhaqaaqdo dadka rayidka ah marka uu dhibka soogaadho xaga ciidamada jabhada. sida dilka,dhaca,jidhdilka, kufsiga dumarka, IWL.


t) Arin kale waxa weeye dowlada Ethiopia dhulka ay gumeysato ee ay ugu yeedho kilil 5 (Ogaden region)
haba yaraatee wax horumar ah kamayna samaynin sida iskoolada,xarumaha cafimaadka, wadooyinka, ceelasha biyaha, IWL. Bal ciidamada itoobiya ee ku sugan ogadenya waxay daganyihiin guryo ay dad rayid ah kaxoogeen biyahana waxay kacabaan ceelasha iyo barkadaha ay dadka rayidka ahi leeyihiin!


J) ciidamada Ethiopia ee ku sugan ogadenya kuma Arkaysid hal nin oo kasoo jeeda s/Ogadenya oo leh darajada ugu hoosaysa (alifle ama unug taliye) Bal waxaa dhif iyo naadir ah inaad aragto askari dable ah oo katirsan ciidanka rigliga ah ee  Ethiopia. kama hadlayo damiir laawe dabaqoodhi ah kaasi waa muush kamana diiwaan gashana W/gaashaan dhiga ee dowlada dhexe.

x) waxa iyana jirta wax ladhoho dowlad deeganka somalida
kkkk, akhristow malasocotaa inta madaxweyne ee soomartay maamul kusheega jigjiga waa 11 Madaxweyne!! waa su'aale imisa doorasho ayaa laga qabtay Ethiopia ? Nimankuse ma waxay lamidyihiin dharkii todobaadka kuwasakhoobi jiray ?
Maxaase kilil 5 kali kaga dhigay  Arinta ?
Waysocota


W/Q: suhayb571@hotmail.co.uk

hanqadh@gmail.com