Mudaaharaad balaadhan oo ka dhacay AFMADOW.
waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 09/04/2008 kadhacay magaalada Afmadow ee g/jubada hoose mudaharaad wayn oo lagaga soo horjeeday falkii xumaa ee ay kudhaqaaqeen maamulka gobalada w/bari ee ayku qaqabteen dad kasoo jeeda gobolka ogaden islamarkaana ay ugu gacangaliyeen dowlada gumaysiga.
Dadka kaqaybgalay banaanbaxan oo aad utiro badnaa ayaa kudhawaaqayay erayo kadhan ah maamulka puntland dadkan oo ay kamuuqatay xamaasad aad ubadan ayaa suuqa magaalada Afmadow socod kusoo maray iyagoo markii danbe isugu yimid fagaaraha looyaqaano shanta dab ee kuyaala badh tamaha magaalada Afmadow.
Iyadoo ay halkaas kahadleen oday dhaqameedyo , siyaasiyiin, aqoonyahano, iyo waxgarad kale oo dhamaantood muujiyay sida ay ooga xunyihiin falkan aan naxariista lahayn ee uu kudhaqaaqay maamulka w/bari odayaashan ayaa ugu danbays waxay baaq udireen maamulka garawe waxayna kacodsadeen inay joojiyaan falkan hadii kale wixii xumaata ah ee dhaxmara labada shacab ee walaalaha ah inay iyagu mas,uulka yihiin.
Waxay sidoo kale baaq ujeediyeen shacbka iyo wax garadka daga gobolada w/bari inay kahortagaan wixii iska horkeeni kara labada shacab waxay sidoo kale baaq udireen shacbiga reer Ogadenia ee kudhaqan goboladaas inay kasoo baxaan marhadii labilaabay in la,iibsado.
Waxay ugu danbayn umahad celiyeen waxgaradka kasoo horjeeda falkan ee uddhashay w/bari kuwaas oo ay waliba kulataliyeen inay sicad ooga hortagaan falalkan oo kale ugu danbayntii banaanbaxan ayaa kudhamaaday si nabadgaliyo.
Hanqadh
Afmadow