|

Qurba joogta Eritereeya oo Dibadbax Weyn ka Sameeyeen Geneva.
Geneva, 23.02.2010
Jaaliyadaha reer Eritareeya ee wadamada Yurub ayaa dibadbax aan loo kala harin ku qabatay ka soo horjeedka xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva iyagoo muujinayay diidmada cuna qabateeynta wadankooda lagu soo rogay. Banaanbaxayaashan oo tobonaano kun kor u dhaafayay ayaa ku dhawaaqayay hadalo ku taageerayaan jiritaankooda umadnimadooda iyo in aanay Eritreeya wax dhib ah ku heeynin umadaha ku nool Geeska Afrika. Dhibka kaliya ee ka taagan Afrikada Bari waa doowlad ku sheegta itoobiya ayeey yiraahdeen, taana waxaa muujinaya xasuuqa itoobiya ka wado Ogaadeenya iyo weerarkii gardarada ahaa ee aay ku gashay dalka xorta ah ee Soomaaliya iyo hubka sharci darada ah ee aay siiyo xumowadayaasha Soomaaliya ka jira.
  
Jaaliyadaha jamhuuriyada Soomaaliya iyo Soomaalida Ogaadeenya ee ka kala yimid wadamo badan oo Yurub ah ayaa iyagana ku qeeyb galay dibadbaxan quseeyay dhamaan umadaha geeska Afrika oo aay itoobiya tacadiyada balaaran ku heeyso. Is ku soo duuboo waxaa si shaki la’aana la isugu raacsan yahay in xasilooni darida iyo xasuuqa ka taagan Afrikada Bari itoobiya ka masuul tahay loogana baahan yahay dunida cadaalada jecel in talaabo cad ka qaadaan taliska arxanka daran ee itoobiya.
 
ONA
Geneva, Switzerland
|