Shir dhex maray OSF UK iyo OSF SWE.
Waxaa maalintii Sabtida 26 April 2008 aheyd shir xiiso badan ku dhex maray wadanka Sweden Gaar ahaan Caasimadiisa Stockholm ururada ardeyda reer Ogadeniya ee Sweden iyo Engriiska.
Shirkan oo lagu soo dhaweeyay qaar ka mid ah ururka OSF UK oo booqasho howl shaqo ah ku yimid ayaa waxaa muhiimadiisii ugu weyni aheyd in marka hore dhalinta ay is bartaan dhambaal ayka sideeene ay soo gaarsiiyaan dhigooda reer UKQodobka labaad ee isagana ugu muhiim sanaa ayaa waxa uuu ahaa maadaama mudooyinkan danbe lagu mashquul sanaa sameynta Urur cusub oo mideeya dhamaan Ururada dhalinyarada reer Ogadeniya ee Europa ayaa waxaa si niyad ah la iskugu raacay in dhameystirkiisa lagu qabto Sweden iyadoo dhamaan maamulka jaaliyada iyo unugta ay ka mid ah ahaayeen dadkii madasha fadhiyay ee shirka qeybta libaaxa leh ka qaatay qabsoomidiisa.
Shirka ayaa waxa la qaban doonaa aakhirka bisha soo socota (May) iyadoo 2da maalmod ee soo socda si rasmi ah loo shaacin doono maalinta iyo Waqtiga intaba.
Dhanka kale waxaa shir mudo la sugayay meesha ku yeeshay Hooyooyinka Reer Ogaadeniya kaas oo ay ugu wada hadlayeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
- kala warqaadasho iyo xisaabtan mudadii ay kala maqnaayen
- Dar dar galinta howlaha shaqo ee hor yaala
- Sidii loo kaal meyn lahaa shacabka dhiban ee reer Ogadenia kuuwaas oo laga dawaday dhawaan TV-ga caalamiga ah ee Alljazeera.
Waxaa sidoo kale shirkaas lagu casuumay dhalinyaradii OSF UK ee martida aheyd. Iyadoo is barasho kadib fikrado iyo talooyin wax ku ool ah la isku dhaafsaday meesha .
Si kastaba ha ahaatee dhaman shirarkii dhacay ayaa kusoo gaba gaboobay jawi farax iyo xiiso leh. Iyadoo lagu balamay in xiriirka ka dhaxeeya Dhalinyarada la xoojiyo isla markaasna kor loo qaado wacyi galinta iyo baraarujinta dhalinyarada.
OSF SWEDEN