BBC somali 11:00

BBC somali 18:00

BBC somali 14:00

Radio Xoriyo

OTHER LINKS

African News Papers

Arab News

Daily Nation Of Kenya

East African Standard

SOMALI LINKS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shir aad loo soo agaasimay oon wali noociisoo kale ka dhicin dalka Norway oo ay maanta qabteen ururka Ogaden Voice of Youth ee Norway Oslo.

Shirkan oo runtii si aad u heersaraysa oo tayo ku dheehantahay loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacay caasimada dalka Norway ee Oslo.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay ayna daadihinayeen ururka dhalinyarada ee Ogaden Voice of Youh ee Norway oo ah urur dhainyaro oo ka mida ama hoos taga maamulka jaaliyada laakiin leh maamul u madax banaan oo haga.

Ururka ayuu u ahaa shirkan kii ugu horeeyeey ee ay qabsadaan mudadi sanadka ku dhaweyd ee ay maamul ahaan jireen.

Waxa kale oo ururku uu ka mid yahay dallada guud ee ay ku midooween ururada dhalinyarada ee Yurub ee bishii may lagu dhisay dalka Sweden.

Shirku wuxuu ku biloowmay xus gaaban oo faataxada loogu akhriyayeey looguna duceeynayeey aabo ka mida aabayaasha halganka gobonimodoonka Ogadenya Sh,Ibraahin Cabdalla inuu naxariistii janno ilaahay ka waraabiyo.

Kadib waxa lagu furay aayado kamida quraanka kariimka oo uu inoo akhriyaya wiil da`a yar oo xaafida.

Intaas kadib waxa shirka furay gudoomiyaha ururka Mudane C/wali Somane oo ka hadlay waxqabadkii ururka intuu dhisnaa oo runtii waxyaalo badan u qabsoomeen ilaa intuu uu dhisnaa.

Kadib waxa lagu soo dhaweeyay Xoghaynta ururka gabadha da`da yar Muniira Maxamed oo soo jeedisay qudbad dheer oo ayna dadku dareemin xataa ineey socoteey daqiiqad iyo saacad midna sida ay u macaaneed khudbadaasi iyo xigmada ku jirteey ee kasoo borqanasay gabadha da`ada yar, khudbadan ayaa wadatay cinwaanka ah (Bartilmaameedka ururka kan gaaban iyo kan dheer).

Xagga jaaliyada ayaa iyana kasoo bandhigtay waxqabadkii jaaliyada ee lixda bileed ee u danbeeyeey waxa iyana halkaa kasoo jeedisay khudbad aad u qiimo badan hooyada jaaliyada ahna gudoomiye ku xigeenka jaaliyada somaalida Ogadenya Marwo Sahra Ismaaciil

Waxa shirka laga jeedyay khudbado kale oo badan oo aad u qiima badna ayna ka mid ahaayeen aqoonyahano da`da yar oo ka hadlay muhiimada ay leedahay waxbarashadu iyo in laga faaidaysto fursadaha yaala dalka Norway sida waxbaashada.

Waxa iyana intaa dheeraa suugaanyahanada da`da yar ee hada soo kacay oon horay loogu arag dalka Norway oo ka jeediyay gabayo aad u qiimo badnaa oo kaga ilmaysiiyay dadkii shirka kasoo qaybgalay .

Dhinaca gabdhaha oo iyana marka la barbardhigo wiilasha aad uga horeeyeey hadeey noqon lahayd xagga buraanburka iyo dhaantadaba ayaa iyana wacdaro ka dhigay goobtii shirka.

Waxa shirka marti u ahaa oo oga yimid SWEDEN iyo FINLAND Mudane Maxamed Khadar oo ah xoghayaha guud ururka dhalinyarada ee Yurub OYL iyo gudoomiye ku xigeenka ururka dhalinyarada Yurub ahna gudoomiyha ururka dhalinyarada ee Finland Mudane C/rashiid Colaad oo labuduba ka kala hadlay sida waxqabadki ururka OYL iyo kuwa dalalka ay matalayaanba.

Gabagabadii waxa lagu soo afjaray inla isku raacay inla xoojiyo taageerida halganka codkeenana aan gaadhsiino caalamka.

Waxaana lagu xidhay shirka dhaantadii iyo ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka aan u lahayn oo aan loo kala hadhin yar iyo weyn gabadh iyo wiilba.

SAWIRADA DIB BAAN KASOO GALIN DOONAA

Hanqadh

 

Maqaalada/Articles

A fool’s quest for the truth By Hibaq Dualeh

Stupidity or ignorance; what motivates Abdullahi Gariiles’ lies? By Hibaq Dualeh

authorAn Advice for Revolutionary Ogadenis By Dr Shamsaddin Megalommatis

WAR CRIMES AND CRIMES AGAINST HUMANITY IN OGADENIA . By Ahmed Shiine

The Betrayal of Abdullahi Gariile and his Crooked Objectives. By Fahmo Abdullahi

A Genocide We Can Stop, Ogaden. By Ahmed Ali