Bishaaro…..Bishaaro…...Bishaaro
Telefoonkaaga ku dhagayso Radio Xoriyo meel kasta oo aad dunida ka joogto.
Waxaa loogu bishaaraynayaa dhammaan shacabka Soomaalida Ogadenya guud ahaanba gaar ahaana inta aan waqtiga uhelin,ama aan awoodin inay isticmaalaan qalabka casriga ah ee Internetka, inay wararkii ugu dambeeyey ee wadankooda hooyo(Ogadenya) ku dhagaysan karaan qaabka Telefon ka,iyagoo Telefon ka u diraya sida caadiga ah kadibna si toos ah u dhagaysan doona idaacada Radio Xoriyo iyo wararkii ugu dambeeyey ee Ogadenya.
Sidoo kale waxaad Telefonka ku dhagaysan kartaan barnaamijyadii ka baxay Radio Xoriyo,sida Barnaamijka Aragtida Halgamaaga,waraysiyada iyo weliba suugaan kala duwan .
Qaabka Telefonka loo diro & qaabka loo dhagaysto Radio Xoriyo iyo Barnaamijyada.
Telfonka lagu dhagaysto Radio Xoriyo waxaad u diri kartaan sidatan: 0016417153800 kadibna waxaad garaacaysaan furaha oo ah sidan: 5126014 kadibna waxaad toos ugu xidhmaysaan Radio Xoriyo.
Hadii aad u baahato inaad dhagaysato idaacadii hore oo ay ku dhaaftay waxaad taabanaysaa lambar koow(Number 1)markaad furaha garaacdo ee lagu yidhaahdo sug.
Hadii aad u baahato inaad barnaamijyo ama waraysiyo ka baxay Radio Xoriyo waxaad taabanaysaa lambar labo(Number 2).
Hadii aad u baahato inaad dhagaysato suugaan sida:( Gabay,Hees,Geeraar ama riwaayado i.w.m)waxaad taabanaysaa lambar sadex(Number 3).
Dhagaysiga Radio Xoriyo ee qaabka Telefon ku waa bilaash (Free) waxaadna u diraysaan qaabkaas kor ku xusan.
Sidaa iyo dhagaysi wacan
Maamulka Radio Xoriyo
Raadioxoriyo@yahoo.com.
HANQADH