Munaasabad Dhaqaale uruurin ah oo ay qabteen Dhalinyarada
Ogaden Youth Network (OYN) San Diego.
Ururka Isku xidhka Dhalinyarada Ogaadeeniya ee Magaalada San Diego (OYN San Diego) ayaa waxay magaalada San Diego ku qabteen Munaasabad dhaqaale uruurin loogu sameeyay agoonta reer Ogadenia ee ku dhaqaan xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab (Ifo, Dhagaxlay iyo Xagar dheere). Munaasabadan ayeey Dhalinyaradu waxay soo bandhigeen barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yihiin soojireenka halganka taariikhiga ah ee Soomaalida Ogaden, Gabayo, Guubaabo, heeso, Riwaayad iyo waliba Dhaantooyin. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Dhalinyaro aad ufarabadan oo u dhashay Ogaadeeniya.
Ula jeedada ay Dhaliyaradu uqabteen munaasabadan ayaa waxay ay tahay in ay u adkaysan waayeen wararka ka soo gaadhaya xeryaha qoxootiga ee loo yaqaano Dhadhaab Camps (Ifo, Dhagaxlay iyo Xagar-dheere). Kuwaas oo sheegaya in ay xeryuhu labuux dhaafeen dadka reer Ogadeenya ee uu gumestuhu ka soo barakiciyay dhulkoodii hooyo. Waxaa dadkaas ka mid ah agoonta oo iyagu wax ugargaara aan haysanin oo waalidkood qaar hortooda lagu dilay. Hadaba uruurka OYN San Diego ayaa waxay uguntadeen, go'aana ku gaadheen sida ay wax ugu qaban lahaayen walaalohooda dhibaataysan, lana garabistaagi doonaan wixii hiil iyo hooba ah.
Ururka ayaa waxa ay xiriir layeesheen isla markaana lashaqayn doonaan Jaaliyadda Afrikada Barri ee Soomalida reer Ogaadeeniya.
Iyaga oo hirgalindoona Project lagu magacaabo SAVE THE OGADEN CHILD. Waxaana ilaa iyo hada la diiwaan galiyay 800 boqol oo agoonta reer Ogadenia ah, loona qoondeeyay xurun ay ku noolaadaan. Xaruntan ayaan wali la sheegin goobta laga dhisidoon hase ahaatee waxaa lafilayaa inay noqon doonto isla qoxootiyada dhaxdiisa. Hadaba Dhaliyarada OYN San Diego ayaa waxay ku guubaabinayaan dhamaan Dhaliyarada qurbaha kunool ee reer Ogaadeeniya inay kaqayb qaataan barnaamijkan. Waayo ayeey yidhaahdeen Dhalintu waa lafdhabarta bulshada iyaga ayaan u maqan dadkooda iyo dalkooda.
Cid 'alla ciddii rabta inay wax tarto dadka reer Ogaadeeniya ee dhibaataysan hala xidhiidhaan Jaaliyadda Afrikada Barri ee Soomaalida reer Ogaadeenia oo aad kala xidhiidhi kartaan
Mohammud Mohamed Hikam
Email gobdoon_35@yahoo.com
Tell: +254-723200491
Abdirizaq Tibaa
Tell: + 254-720647436
OYN San Diego waxaad kala xidhiidhi kartaan
OYN San Diego
Email Dantaguud@gmail.com
Abdirahman (Hollywood) Halgan
Email Hollywood619@gmail.com
Tell: 619-436-8328
Mohamed Abdi