|

Lataliyaha Gudoomiyaha J.W.X.O. Jen. c.llaahi mukhtaar oo Seminar aqoon kororsi ah u qabtay jaaliyada denmark.
La taliyaha gudoomiyaha jwxo General Cabdullaahi Mukhtaar ayaa Axadii 07-02-2010 siminaar aqoon kororsi ah ugu qabtay magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark xubnaha iyo taageerayaasha halganka ee ku dhaqan caasimada iyo nawaaxigeeda. Siminaarkaas oo qayb ka ahaa kormeerka ay qaar kamid ah madaxda ururku ku marayaan jaaliyadaha ogadenya ee qurbaha ayay ujeedadiisu ahayd kobcinta iyo sare u qaadida garaadka aqooneed midka siyaasi iyo midka ururnimo ee xubnaha halganka,si ay u noqdaan mustaqbalka barito ee Ogadenya oo dhinac walba ka dhisan. Xubnaha iyo taageerayaasha nasiibka u yeeshay inay siminaarkaas ka faaiidaystaan ayuu la taliyaha gudoomiyaha jwxo dhex dhigay qodobo doodeed dhowr ah , si ay uga doodaan, xubin kastana uga dhiibto fikirkiisa ku haboon,isagoo General Cabdullahi Mukhtaar is waafajinayay aragtiyada kala duwan ee ay xubnuhu kaga doodayeen qodobadaasi: Qodobadaas ayaa waxaa kamid ahaa:habka ugu haboon ee ay wadashaqayni udhex mari karto jaaliyada Ogadenya ee Denmark iyo jaaliyadaha kale iyo sidii loosii xoojin lahaa xidhiidhka wadashaqayn ee ka dhaxeeya jaaliyadaha iyo hay,adaha kala duwan ee ururka. Ugu dambayntiina waxaa la isku soo uruuriyey doodahii iyadoo lagala baxay intoodii ugu muhiimsanayd ee la isla gartay inay waxtar balaadhan uleedahay geedi socodka halganka Ogadenya,waxaana xili dambe lagu soo gabagabeeyey xarunta jaaliyada Denmark siminaarkaas iyadoo halgame Cabdullaahi Mukhtaar uu kula dardaarmay xubnaha kasoo qayb galay siminaarka inay ka faaiidaystaan wadamada ay joogaan sarena u qaadaan aqoontooda waxbarasho si ay u anfacaan dalkooda iyo dadkoodaba. Copenhagen-Denmarka
hanqadh@gmail.com
|