Jaaliyada Ogadenia ee Finland oo Shirtay.

Maalintii axada ahayd ee taarikhdu ku beegnay 21.2.2010. waxaa caasimada Helsinki ee dalka finland shir ay isugu timid jaaliyada ogadenia ee ku dhaqan dalkan finland.

Shirkaas oo uu kasoo qayb galay G.x.2bd. ee jabhada wadaniga xoraynta ogadenia, mudane N/hure cabdiqaadir xasan hirmooge, oo hawlo shaqo ku marayey dalalka yurub.
waxaa sidoo kale kusoo kal dhacay safarka gudoomiyaha flimkii la magac baxay oohinta qarsoon (silent cry) oo markii 2baad laga dhigay dalkan finland.


shirku wuxuu ahaa mid si heer sare ah loo agaamisay inbadana laga soo shaqeeyey qabsoomitiisa.
waxaan dhihi karaa isagoo kale kama dhicin dalkan waadan, marka laga eego bulsha soo xaadirtay faraheeda isagana kala timi dalkan goboladiisa kala duwan,

Hadaba intuuna shirku bilaaban ayaa waxaa la daawaday filmkii oohinta qarsoon, run ahaantii filmkaasoo u bedelay jawigii farxada lahaa murugo iyo ciil.
qadar 15daqiiqo kadib daawashadii filmka ayaa waxaa si rasmi ah u furmay shirkii lawada sugaayey.


Heesta calanka kadib ayuu gudoomiayaha jaaliyadu la wareegay codbaahiyaha wuxuuna salaan iyo hadal gaaban kabacdi kusoo dhoweeyey codbaahiyaha gudoomiye kuxigeenka 2baad ee jwxo. N/ cadaani hirmooge, meeshaas oo uu gudoomiyuhu ku dheeraaday arimaha halganka, iyo meeshuu marayo. iyo waxyaabaha looga baahanyahay dadka qurbaha jooga.
waxaa sidoo kale meesha ka hadlay odayaal, masuuliyiin kale oo ka tirsan jabhada.

Sidoo kale waxaa sabtidii ka dhacay xafiiska jaaliyada ka dhacay shir ay isugu yimaadeen golaha unugta finland.
warbixin iyo falan qayn kadib ayaa waxaa meeshaas laga soo saaray go'aamo wax ku ool ah.
 
Gabagadii shirka ayaa waxaa meesha wacdaro ka muujiyey ururka dhalinta ogadenia (oyl) iyagoo soo bandhigay ciyaarta hidaha iyo dhaqanka ee dhaantada loo yaqaano.

Waxay sidoo kale jaaliyadu cambaaraynaysaa falkii waxshinimada ahaa ee ay dhiigyacabka hargeysa gumeystaha masuulka uga ah kula keceen

Bishaaro Wacdi Shaqlane uguna gacan geliyeen wayaanaha oo ah cadowgii umada soomaaliyeed
 

cabdiraxmaan cabdullaahi (xambaaro)

 

hanqadh@gmail.com