Shir ururka dhalinyarada Ogaadeenya ee Bariga Afrika.

Ururka dhalinyarada Ogaadeeniya ee wadanka kenya oo maanta isugu yimid shirkaas oo  ay kaga Arinnsanayeen Sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen Abaabulka dhalinyarada Ogaadeeniya ee Geeska afrika .

Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxaa maanta ka Furmay shir ay isugu yimaadeen Xubnaha  Ururka dhalinyarada  Ogaadeeniya ee wadanka Kenya  shirka oo mudo abaabulkiisu socoday ayaa maanta dhacay waxaan kasoo qayb galaya Guud ahaan xubnihii  Ururka dhalintayarda Ogaadeeniye ee lagu casuumay shirka .
Shirka oo Ujeedadii loo qabtay  ay ahayed sidii kor loogu qaadi lahaa Abaabulka iyo wacyigalinta dhalinta Ogaadeeniye ee Geeska Afrika ku noola , Shirkan ayaa  ahaa shirkii igu horeeyey  ee Arimo noocan ah lagag hadalo tan iyo intii la aas aasay Ururka dhalinyarada Ogaadeeniya ee wadanka Kenya.

Dhalinyarada oo mudo kala maqanyed wax  ay isku wada salaameen dhamaantood wajiyo farxada ka muuqato Isla markiiba waxaa shirkii  Furey Gudoomiyaha Urur dhalinyada Eng Axmed oo dhalinta ugu hanbalyeey sida Sharafta leh ee ooga soo wada qayb-galeen shirka maanta , waxaana isla markiiba  la gudo-galay ajandihi shirka . 

Gudoomiye Eng Ahmed ayaa warbixin ka siiyey dhalinyarada  Hawlaha Ururka iyo marxaladaha uu marayo hada
Intaas kadib waxaa Isna ka war bixiyey Waxqabadkii ururka Dhalinyarad Ogaadeeniya Faraciisa wadanka Kenya Mudane Maxamud Maxamed oo sheegay in ay mudadaas wax badan ka qabteen Xaaladaha Qoxootiga Ogadaeeniya ee Xeryaha qoxootiga wadanka Kenya oo marar badan ay u fidiyeen gacan abaabulka iyo isku xidhka dhalinyarada Ogaadeeniya ee dibada iyo gudaha wadanka kenya walin ay wadaan hawlahaas . Waxaana mudan inaan xusano Ururka guud ee OYL oo qayb wayn ka qaatay dhan wax qabad iyo dhan abaabuulba .

Waxaa Goobta ka bilawday su aalo ay waydiinyeen dhalinyaradu Gudoonkooda  su aalihii iyo jawaabihii kadib waxaa laga dooday Sidii loo Hormarin lahaa Hawlaha Ururka dhalinyarada Ogaadeeniya ee Geeska afrika oo ay oogu horeyso wadanka kenya  dhalinta ayaa dhamaan isku afgartay in ay daboolaan baahiya waxqabad ee ay ugu horeyso arinnta dhaqaalaha maadaam aan  hawlaha qaarkooda la dhaqaajin karo dhaqaalo la` aan  , waxaa dhamaan dhalinyarada  u mahadceliyey Maamulka Ururka Dhalinyarada kana codsaday inaay hawlaha qayb libaax ka qaatan waxaayna isla meeshii dhamaantooda balan qaadeen inaay qaybtooda si xilkasnimo ku uga soo baxayaan, waxaana la isla gartay  in hawlaha Ururka dardargalin  cusub lagu samayo   isla markaan la dhaqangaliyo dhamaan hawlaha Horyaala Ururka si uu wax u qabto  .

Guud ahaanba wuxuu ku soo dhamaaday is Afgarada iyo in nin walba dhiniciisa  ka qabto hawsha Culus ee ay dhabarka u riteen xubnaha Ururka .


Xafiska Warbaahinta OYL-east
www.ogadenyouth.com
Maamulka Ururka OYL-East Afrika

hanqadh@gmail.com