|
OTHER LINKS
SOMALI LINKS
|
|
Shir Fund rising ah oo ka dhacey Magaalada London.
Maalinimadii Axadii ayaa kulan balaadhan oo loo qabtay Qoysaska oo isugu jira Caruur, Haween iyo Rag ay isugu yimadeen kulan lagu taakuleynayo Caruurta iyo Shacabka dhulka Somalida Ogadeniya ee ku waxyeeloobay dhibaatooyinka Guumeysiga Ethiopia.
Kulankan oo ay si khaas ah usoo qabanqaabiyeen Haweenku ayaa waxa lagusoo bandhigay sawirada dhibaatada Caruurta Somalida Ogadeniya heysta ee cafimaad daro, wabarasho li'i iyo waxyaalaha asaasiga ah oo idil ee gumeysigu ku kalifay.
Haweenay kamid ah qabanqaabiyaasha kulankan Marwo Fatxiya Xassen ayaa iyada oo ka hadleysa sababta kukaliftay inay sameeyaan munaasabadan lagu aruurinayo dhaqaalaha ku tilmaamtey inay tahay "waajib saaran qofkasta oo islaam ah Somalina sheeganaya".
Kulankan ayaa dadkii isugu yimid loogu muxaadareeyay Muxaadarooyin Diini ah oo ka hadlaya Waajibaadka Saaran qofka islaamka ah dhinaca Sadaqa Bixinta iyada oo ay Culumadu aad ugu adkeeyeen shacabka inay bixiyaan dhaqaalaha taakulo toos ahna ay siiyaan Dadka tabaaleysan sigaar ahaaneed Caruurta iyo Shacabka Somalida Ogadeniya oo ah dadka u baahan ahna cidii ugu habooneyd taakulo- maadama ay guumeysi kii u liitay ku hoos jiraan.
Waxa kale oo jiray Cuntooyin iyo Cabitaano kala nooc nooc ah oo ay soo diyariyeen haweenku oo lagadanayo. Sidoo kale caruurta ayaa loo keenay ciyaaro iyo Qoraalo art ah oo wajiga loogu sharaxayo ama sameynayo.
Intaas waxa dheera in Culimadu ay dadka ku amreen in qofkastaaba isku qoro lacag si loo gaadhsiyo Ummada tabaaleysan ee Somalida Ogadeniya.
Cabdullaahi Xuseen Geelle, Wiil qiyaastii 7 sano jira iyo walaalkiis oo kayar ayaa kamid ahaa dadkii aan wareystay ee lacagta isku qoray. Wiilkan iyo walaalkiis oo u taagay farta inuu bixiyo lacag gaadheysa 200 midkiiba oo ah lacagta UK Pound ayaa weydiiyay cida ka bixineysa. Waxuuna yiri jawaab ka gadisan taan sugayay oo aheyd
"Ogaadeniya ayaa lagu xoreyn"
Hadaba Shirkan waxa ka Hadley Gudoomiyaha Jaaliyada UK Mudane Daahir Tamuuje, Gudoomiyihii Hore ee Jaaliyada Sheekh Xuseen iyo Madax kasocota Ururka Left List oo ay weheliso Gabadha u sharaxan Doorashada Duqa London Lindsey German.
Lindsey German (http://www.electrespectcoalition.org/)
Ururkan oo ay leeyihiin Xidhiidh iyo wada shaqeyn Ururka Dhalinyarada OSF iyo Jaaliyada ayaa sheegay sida ay uga xunyihiin dhacdooyinka foosha xun ee ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha ee ay kula kaceyso Dowlada Itoobiya muwadiniinta Ogadeniya. Iyo Waliba sida Indhaha Caalamku uga sii jeedo.
Lindsey German waxa ay sheegtay inay sii xoojineyso wada shaqeyntaas ay la leedahay Jaaliyaada Ogadeniya iyo ururka dhalinyarada. hadey u suurto gasho inay hesho codka ay rabto oo ah 5% kaliya doorashada London waxa ay tiri waxa aan u ololeyn doonaa dhibaatada Ogadeniya ee kobtan la inagu tusey iyo inta qarsoonba sidii wax rasmi ah uga qaban lahaa.
Lindesy German oo ka ah Hogaan sare Ururka Caanka ah ee "Stop the War Coalition " waxey hada kahor ku guuleysatay inay ka badiso xisbiyada tartanka kula jira ee The Green iyo PNB. Hadana waxa ay rajeyneysa inay soo baxdo.
Hanqadh
|
|