ogaden flagogadenogadenogaden

Sun 23/12/07 8:36 PM

BBC somali 11:00

BBC somali 18:00

BBC somali 14:00

Radio Xoriyo

OTHER LINKS

African News Papers

Arab News

Daily Nation Of Kenya

East African Standard

SOMALI LINKS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wareysigii ay aljazeera la yeelatay   cabdi kariim sh muuse oo ka mid ah taliyayaasha sare ee jabhada wadaniga xoraynta ogadenya 2008/4/27.


Mabaadii,da iyo hadafka jabhada iyo meelaha ay waxka soo galaan
Dawrka dawladaha iyo hay,adaha iyo mustaqbalka loolanka
S= Jaamcan nuur  Marka hore waxaan ku bilaabaynaa cadeynta jabhada iyo goorta la aas aasay jabhadan?
J= cabdi kariim  sh muuse  jabhada waxaa la aas aasay 1984 taasina  waxay ahayd midhihii ka soo baxay halgankii dheeraa ee ay umada somaliyeed kaga soo horjeeday qabsashada Ethiopia ay qabsatay dhulkooda laga soo bilaabo halgankii axmed gurey oo ahaa  qarnigii 16 naad iyo kii ka danbeeyay ee sayid maxamed cabdulle xasan kii sadexaad oo ahaa jabhadii nasrulaah 1964 tii iyo midkii ka danbeeyay oo ahaa 1977kii kaasooy dawladii somaliya ka qayb qaadatay halgankaa  dheer ee u jeedadiisu ahayd in wadanka ogadenia la xoreeyo  waxuu soo maray dhibaatooyin badan oo taariikhi ah , Hadaba Jabhada wadaniga xoreynta ogadeniya waxay ka dhalatay halgamadaas taxanaha ahaa waxaana loo aas aasay   sidii  loo hagaajin lahaa geedi socodka siyaasada halganka ogadeniya loona cusboonaysiin lahaa maamulkiisa taasina waxay ka timid rabitaanka shacabka oo raba inuu soo ceshado rabitaankiisa iyo madaxbanaanidiisa taas ooy ka dheceen  khaaimiintii ingiriisku  iyagoo u dhiibay xuquuqdii shacabku  lahaa siiyayna dawlada Ethiopia

S= Jaamac nuur waxaan Ognahay  jabhadiinu inay ku bilaabatay dhaqdhaqaaq aan hubaysnayn maxay tahay sababta aad uga wareegteen ee ad qoriga u qaadateen?

J= cabdi kariim sh muuse  is badalkii dhacay 1991 dhicitaankii xukuumadii mungiste  waxay  ahayd midhihii   ka dhashay halgankii iyo dadaalkii quwadahii mucaaradka ku ahaa ee  la gumeysan jiray sida shacabka ogadeniya sida qawmida tigreyga iyo ereteriya markaa nasiib ayuu u helay ururka Tplf taas oo u dagaalamaysay inay xaqa shacabka tigreyga soo celiso ayaa waxay nasiib u  heshay inay caasimadii adis ababa qabsadaan intaas ka dib waxaa lagu heshiiyay laba sano oo ku meel gaadh ah heshiiskaasi waxuu siinayay qowmiyad walba inay madaxbanaani hesho iyadoo u soo maraysa in dadka afti laga qaado aftidaas oo la waydiinayo  parlemanka qowmiyadaas  sidaas darteed jabhada wadaniga xoraynta ogadeniya waxay samaysay maamul goboleed  iyo baarlamaan gobolku leeyahay si ay ugu diyaar garoobaan in afti la qaado jabhadu waxaa kaloy samaystay talaabooyin wanaagsan oo xaga horumarka ah iyo inay shacabka u diyaar garoobaan xoriyad inay gaaraan laakiin  xukuumada Ethiopia kuma ayna farxin horumarka ay jabhadu gaarsiisay gobolka  waxayna sameeyen talabooyin cadawnimo ah oo ay ku burburinayso jabhada iyada oo ka duulaysa damaceedii gumaysi doon  waxay ku talaabsadeen inay weeraraan  maamulkii jirey  waxayna xireen  madaxweynihii  dawlad goboleedka sidaa darteed jabhada wadaniga xoreynta ogadeniya waxay go,aansatay inay nafteeeda iyo shacabkeeda difaacdo difaacdana aaya ka talintooda 

S= jaamac nuur    mudane cabdi kariim marwalba waxaad ka warantaan  meel ka dhacyo ay samaynayaan ciidamada Ethiopia  kulana kacayaan dadka shacabka ah mahaysaa wax cad oo la taaban karo inay dheceen danbiyo dagaal oo lagu sameeyay shacabka ?

J=cabdi kariim sh muuse meel ka dhacyada ay ciidamada Ethiopia gobolka ka samaynayaan gaar ahaan labadii sano e u danbaysay  cidna  kama qarsoona ii sug aan tusale ku siiyo e
Magaalada shilaabo iyo magaalada wardheer waxay isu jiraan  120 km dhulka dhererkiisu intaas le,eg yahay waxaa ku yaalay 30 tuulo  dhamaantoodna si weyn u camirnaa maantana hal tuulo oo dad joogo lagama helaayo  waa mid la gubay iyo mid laga cararay sidaasna waxaa sameeyay ciidamada Ethiopia hadaad wadadan marto kuma arkaysid  wax cid ah oo ku nool
Iska daa waxay jabhadu ku tiraahdo ama aan anagu ku leenahay shacabka  waydii  waxay ciidamada Ethiopia ku sameeyeen la kulan agoonta aabayaashood la dilay oo waydii
Waxaad kaloo  waydiisaa haweenka ragoodii la laayay
 Waydii kuwa xoolahoodii la boobay hanti,doodiina la bur buriyay  wax waydii dadka wax waydii si aad u ogaataan  balaadhka uu le.egyahay xadgudubyada ay ku keceen ciidamada Ethiopia 

S= jaamac nuur  waxaad ka abaabushaan hawlgaladiina goobahan xaqiiqo ahaana shacabku wayku noolyihiin miyayna suurto gal ahayn inaynu niraahno dhibka shacabka soo gaaraya  sabab ayaad u tihiin?

J= cabdi kariim sh muuse   ujeedadanadu waa inaan xorayno shacabka oo aan ka difaacno xadgudubyada Ethiopia waxaanu  nahay qayb shacabka ka mid ah
Awoodanaduna isagay ku tiirsan tahay waxaanu ka xoraynaynaa shacabkanaga gumaysiga waxaanu qorshayaashanada ku diyaarinaa geedahan hoostooda
Majiraan meelo gaar ah oo loogu talo galay inaan gumaysiga iskaga hornimaadno waxaanu kula dagaalamaynaa magaalooyinka waxaanu ka ugaarsanaa wadooyinka kuma dagaalano shacabka gudihiisa qof sheegi karaa ma jiro inan isku qarino shacabka gudihiisa dagaalyahanada jabhada waa la yaqaanaa labiskooda iyo muuqaalkoodaba  waxay weeraraan ciidamada Ethiopia meelahay saldhigyada ku leeyihiin iyo  meelahay marayaan ciidamada Ethiopia hanagula   dagaalameen meelaha shacabku ka dheeryahay waana inay joojiyaan  beegsashada shacabka  waana inay nagula dagaalamaan goobaha banaanka ka ah shacabka
Waxaanu ognahay inay ciidamada Ethiopia  bartilmaameed ka dhiganayaan goobaha shacabka si qorshaysana ay shacabka u waxyeelaynayaan iyagoo qorshayaalkooda magacyo u samaysanaya  sidaas darteed jabhadu iskuma  dhex qariso dadka shacabka ah kamana dhigato gaashaan ama difaac

S= jaamac nuur  xagee iyo  side ayaydun kaalmo iyo maalgalin  ugu heshaan dagaalka aad Ethiopia Kula jirtaan  ?

J= CABDI KARIIM SH MUUSE  waxaa yaalay   gobolka qalab military oo badan ,  geeskana  Africa wuu bur buray dhamaantii somaliya way bur burtay Ethiopia way burburtay  waxaana jiray jabhado badan oo ka hawlgalayey  gobolka geeska Africa  arimahaas oo dhan ayaa keentay in hubku ku faafo meelo badan hada waxaa nagu filan hubka aan haysano dhinaca kale maalin walba hub cusub ayaan ciidamada Ethiopia ka furana malihin eirport iyo degad midna kuwas oon hub kala soo dagno mana jiraan dawlado nasiiya wax qalab miletery ah hubkii hore  iyo waxii aan ka qabsano ciidamada Ethiopia ayaanu kula dagaalanaa  waxaanu ku dagaalanaa maalkayaga iyo naftayada shacabkanaguna waxuu na siiyaa taageero buuxda illaahayna taageero ayaan ka hellaa mida ugu muhiimsana waa midaas illaahay  isagaa gacmaha nahaya guushana na siiya waligano isagayna mahad u sugnaatay

S=jaamac nuur   somaliya waxay ahayd albaabka aad  caalamka dibada  uga
sii gudubtaan hadana ciidamada Ethiopia ayaa jooga muqdisho sided u aragtaan isbalaadhinta Ethiopia  ay gobolka isku balaadhisay  hawl galadiinase wax saamayn ah maku yeelatay ?

J=cabdi kariim sh muuse waxaanu ahayn kuwo ay dhibaato badani haysato mashaakilkii nahaystay oo kale ayaa  ka  u gudbay   somaliya waan ka xunahay in badan waxa uu la kulmayo shacabka somaliyeed waxaa ka  xunahay waxa ka dhacaya muqdisho dhaxdeeda  midaas waa na xanuujinaysaa in badan laakiin marka dhinaca kale laga eego waxaan aragnaa shacabka somaliyeed  waxuu bilaabay inuu nagala qayb qaato dabka taas oo ahayd mid uu ku gubtay shacabkagana reer ogadeniya  iyo khatartii  handadaada ahayd ee nagu koobnayd waxay gaadhay dhamantano anaga iyo somaliya  
Cadawgii nagu dilayay kobtantada ayaa iyagan  halkaas ku  dilaya  cadawganagu waa hal mid ah waxuu doonayaa cadawgaasi inuu qabsado somaliya dhamaanteed gaar ahaan  budhcada  tigreygu  waxaan ugu baaqayaa shacabka somaliyed inay  u midoobaan siday  uga hortagi lahaayeen  cadawgan isaga ah oo ay ka xoraystaan wadankooda oo ayna difaacaan   naftooda  kana hortagaan cadawga ku soo duulay

 

S=jaamac nuur waxaa la sheegaa  in laydinka taageero dhinaca ereteriya dhinac maal galin iyo xag asgariba midaasi run  ma tahay ?

J=cabdi kariim sh muuse su,aashaas  iyada ah waa nagu  soo noqnoqotay
In badan waxaad cilaaqo la leedihiin ereteriya  waa arin   dad badan ay soo cel celiyaan   waxaanu marar badan  sheegnay anagu inaanaan kala kulmin  wax taageero ah  noocay doontaba ha noqotee ereteriya
 Ereteriya waa naga fogtahay  juqraafi ahaan  lama wadaagno xuduud xuduudkeeda somaliya jabuuti iyo Ethiopia  hadii ayba go,aansato inay na saacido malihin meelo ay wax nooga soo gudbi karaan oo ay naga soo gaadhsiin karto musaacadaadkaas  xageebay soo mari  marka musacadaadkaasi ? laakiin waxan  garanaynaa sababta naloogu tuhmo in nalaga caawiyo ereteriya  cadaw ayay  nala wadaagtaa waana cadawga Ethiopia kaasi oo doonaya burburinta ereteriya iyo inay adoonsato  shacabkeeda  anaguna waan la dagaalamaynaa Ethiopia  taasoo qabsatay ogadeniya waxaanuna u soconaa xoraynteeda

S= jaamac nur  laakiin  waxaa laga helayaa dagaalyahanadiina  qaar ka mid ah
 Oo tababar ku soo qaatay ereteriya Iyo qayb ka mid ah hogaamiyaashiina oo ku sugan asmara ?
J=cabdi kariim   waxaan tagnaa dawladaha caalamka ereteriya  yeman iyo dawladaha carabta ee kale waxaan joognaa dawlada maraykanka
 jabahada madaxdeeda qayb ka mid ah waxay booqdeen Paris  ereteriyana waa dawladaha xorta ah ee aanu booqano   , markaa ma la oran karaa faransiisku waxuu idiin fidinayaa hub maxaa yeelay wafti jabhada ah ayaa booqday  ?
america mahubay nasiisaa !?   hadaan soo kobo 
 waxay ereteriya ka mid tahay dawaladaha aan cilaaqaadka la leenahay 
cilaaqaad aan midaas  ahayn oo isku kaana xidha malihin

S= Jaamac nuur  dastuurka Ethiopia waxuu ogolaanayaa xaqa ay u leeyihiin aayo ka tashiga  dhamaan gobolada  shardina waxaa ah in afti laga qaado shacabka maxaad u dalban waydeen xuquuqdiina dariiqa dastuuriga ah oo aad uga badbaadin weydeen    naftiina iyo shacabkiina  dhibaatada dagaalka  ?

J=cabdi kariim sh muuse  haduu dastuurka Ethiopia yahay mid fiican  waxaa uu u fiican yahay Ethiopia namana khuseeyo ethiopiana ma nihin hadii aan nahay kuwo aqbalaya dastuurka Ethiopia amase inaan la midowno waxaan  xaq u leenahay inaa marka hore nala  weydiiyo ra,yiganaga  waxaan  hore kuugu  soo sheegay inaanu kala saxeexanay heshiis ama balan  jabhaduhuna ay u dhanaayeen markii uu bur burey nidaamkii mingiste waana midka waajibiyay go,itaanka ereteriya ay ka go,day Ethiopia
Anagase waa na khayaameen waxay weerareen jabhada waxayna burburiyeen shacabka waxaanu maanta leenahay haduu dastuurka Ethiopia damaanad qaad fiican leeyahay ha u ahaado Ethiopia haduu yahay mid xun ethiopia haw xumaado
Ma doonayno inay cidi nagu qasabto inan aqbalo dastuurka Ethiopia mana nihin Ethiopian  waxaan dalbanaynaa afti shacab laga qaado oo uu ku go,aansado waxa uu doonayo taasi aya ah mida aanu doonayno

S=jaaman nuur qalabkiina casgari waa mid daciif ah  xukuuumada ethiopiana  waxaa lagu yaqaanaa xoog  badan  ciidan badan sided uga  hortagaysaan  ?

J= cabdi kariim sh muuse  ka dib markay qabsatay dhulkanaga waxaan go,aansanay inaan  wax ku difaacno awooda aan leenahay iyo waxa gacanta noogu jira  xaqaana ah midka hiiliya  
Maahmaah somaliyeed baa ahayd dad yaraan loogama haro dagaal duunyo yaraana deeq loogama haro
Haa waxaan nahay shacab la haysto qalabkooduna daciif yahay hase ahaatee waan dagaalamaynaa maxaa yeelay waxaan nahay dadka dhulka iska leh waxaan u huraynaa maalkanaga iyo naftanada iyo dhamaan waxaan heli karo
Waanu hor istaagnay ciidamada Ethiopia waanan jabinay waanan sii wadaynaa  la looltanka iyo difaaca illaa aan ka xorayno illaa taakada u danbaysa ee dhulka ogadeniya balantanadu waa taas wanan jabinay waanan jabin doonaa

S=jaamac nuur  hadaan ka soo qaadno idinku inaad ku guulaysataan saaritaanka ciidamada Ethiopia  ee gobolka ma samaysanaysaan dawlad madaxbanaan  mise waxaad ku darsanaysaan  somaliya si aad u xaqiijisaan  hadafkii iyo riyadii somaliweyn ?

J= cabdi kariim sh muuse  dawlada aan rajaynayno  inaan ka taagno ogadeniya  waa dawlad matasha shacabka  shacabkuna waa midka arintiisa go,aaminaya  sida ay dawladaasi ahaanayso  waana midka go,aansan ciduu la midoobi doono  dhamaan waxaan u soconaa u dhisitaan dawlad  amuuraha kale oo ku saabsan sida ay noqon doonto dawladan  waxay u taalaa shacabka oo kaliya dawladaas arinkeedana isagaa go,aansan doona

 

Dawrka dawladaha iyo hay,aduhu ku leeyihiin loolankan mustaqbalka

S=jaamac nuur  seed u aragtaan heshiiska adag ee ka dhexeeya Ethiopia iyo dawlada mareykanka ?

J= cabdi kariim sh muuse  waxaan aaminsanahay dawlada mareykanku inay masuul ka tahay qayb weyn oo ka mid ah dhibaatooyinka ka dhacaya ogadeniya hubka ay u adeegsadaan ciidamada Ethiopia dilka shacabka ogadeniya waa hubka maraykanka iyo lacagta maraykanka waxay siiyaan tababaro ciidamada Ethiopia
Dawlada maraykanku waa dawlad wayn oo caalami ah waxaa waajib  ah inay daafacdo xaqa shacabka ogadeniya laakiin maaha inay ka qayb qaadato laynta shacabka iyo barabixinta shacabka somalida ogadeniya si toos ah iyo si aan too ahyn ba waxaan ka codsanaynaa   dawlada mareykanka inay joojiso dhamaan taageerada dhaqaale iyo ta miletery ee ay siiso dawlada Ethiopia  waxaan ka codsanaynaa inay cadaalad samayso kama codsanayno inay anaga nala safato kamana codsanayno inay Ethiopia calaaqaadka u goyso  waxaan ka codsanaynaa oo kaliya inay il  cadaalad ah ku dhawrto  qadiyadanada 

Adiguba waxaad ogtahay in hubka iyo lacagta America lagu laayo shacabka oo lagu tirtiro
Dawlada maraykanku yaysan shacabkeeda wax cadaawad ah u abuurin cidnana yaysan ku xadgudbin

S= jaamac nuur    waayadan danbe waxaa soo muuqda gobolka hay,adaha  xuquuqda u dooda iyo kuwo qaramada midoobay ka socda ma qiimayn kartaa waxay qabteen maxaadse ka fileysaan ?

J=cabdi kariim sh muuse    haa dadaalo ayay sameeyeen waftiyadaas ka socday caalamka iyo hay,adihii xuquuqul insanku marar badan ayay isku dayeen inay gobolkaas galaan oo ay soo arkaan sida  shacabkaas xaaladiisu tahay  laakiin maamulka Ethiopia ayaa carqalado badan ku keenay
Haa wey garteen  wax badan oo ah  dhibaatooyinka shacabku  ku noolyihiin  iyo isir baabi,inta ay la kulmayaan laakiin dhibaatadu waxay tahay hay,adahani uma ayna gudbinin caalamka sawirka dhabta ah ee ka jira gobolka waxay qariyeen wax badan oo ka mid ah ceebaha Ethiopia
Iyadoo ay sidaasi jirto hadana waan soo dhaweynaynaa wafuudkasta o u socota xaqiiqo raadin ha ahaadaan qaramada midoobay ama dawladaha deeqda bixiya iyo qof kasta oo xaqiiqo raadinaya  laakiin hal shay ayaan ka codsanaynaa taasoo ah inay xaqiiqada jirta cadeeyaan  siday u jirto iyo waqtiga ay  munaasibka ku tahay
Maanta waxay arkaan dad dhimanaya oo lalaynayo oo laga barabixinayo guryohooda dabadeedna lix bilood ka bacdi ayay odhan doonaan waxaan aragnay dad dhibaataysan taasi wax miyay anfici?
Waxay arkeen tuulooyinkii oo la gubay hantidii oo la dhacay dabadeedna waxay odhanayaan  sanad ka dib tuulooyin iyo magaalooyin ku yaala wadanka ogadeniya ayaa lagubay waxaan ka codsanaynaa xaqiiqada inay gudbiyaan siday u jirto iyo waqtiga ku haboon

S= Jaamac nuur  waxaad tiraahdeen ingiriisku isagaa u dhiibay gobolkan dawlada Ethiopia muxuu yahay dawrka ay ku leedahay dawlada ingiriisku dhibaatooyinka shacabka haysta ?

J = cabdi kariim  dawlada ingiriisku way khaaintay shacabka reer ogadeniya intay khaaimeen ayay buriyeen balankii ay la galen odayaasha iyo wax garadka ogadeniya dabadeedna si kadis ah ayay gacanta u galiyeen xukuumada Ethiopia wadanka ogadeniya shacabka reer ogadeniya waxay garbaduub ugu xiran yihiin geedkii ay ku xireen ingiriisku kaasoo wali dugaagu ku cunayo
Sida wanaagsani waxay tahay in uu maamulka ingiriisku masiiliyadiisa ka soo baxo
Oo jiilka maanta joogaa ay hagaajiyaan waxii ay aabayaashod iyo awowyadood ay xumeeyeen  waxaa la yiraahdaa dhulka ogadeniya waxuu le,egyahay dhulka ingiriiska haduu uusan dhulka ogadeniya wax yar ka weynayn
Dhulka baaxadiisu intaa le,egtahay halwado ihi kuma taalo warshad kuma taalo lagama helo ceel biyo nadiif ah leh oo dadku ka cabaan dugsi sare lagama helo jaamacadna warkeedba daa haldhakhtar ah malaha oo  hadii qof mas qaniino  lageeyo
Irbad xanuun baabi,iso ah lagama helo hadii loo baahdo mesha ugu dhaw ee xaalad deg deg ah haday timaado  waa magaalada adis ababa
Wakaa dhaxalkay nooga tageen ingiriisku

S= jaamac nuur   13 sano ayaad kala soo horjeedeen  dagaal hubaysan ciidamada Ethiopia wax  is badal kuma imaanin joogitaankeeda  ilaa hada  miyayna gaarin waqtigii aad siyaasadiina ku laaban lahaydeen oo aad la furtaan wada hadal ?

J= cabdi kariim muuse  anagu maanaan  diidin waligano  wada hadal  inaan la furo dawlada Ethiopia wadahadalkanaguna waxuu  dhacay lix mar 1994 waxaan u diray wafdi wada hadal  waxayna sameeyeen balan fur waxayna dileen  madaxii wadahadalka iyo  qayb ka mid ah  waftigii  la socday
Marlabaad ayaan wadahadal la galay  waxaanan u diray wafti xanbaarsan qodobadii wadahadalada  waxayna ku riday xabsi waxayna nagu kaliftay inan xoog ku soo furano markii danbe
Wadahalku waxuu ka imaanaynay markasta dhinacanaga   nabad jeceyl awgeed iyo inaan kala dhawrano dhiig daata
Laakiin waxaa la yiraahdaa Ethiopia maskax  xabadu gasho ayay leedahay ee maskax hadal galo malaha  anagoo og arintaas hadana waxaan doonay inaan  maqashiino codka caqliga
Waxaan doonay inaan  u sheegno inayna ku guulaysanayn adeegsiga hub iyo  awood  kasoo horjeedkanaga  waxaan u sheegnay inaan wada fadhiisano oo aan xalino mashaakilaadka naga dhexeeya  ee aas aasiga ah  si aan uga  fogayno shacabka dhibaatada iyo halaaga iyo dhiig daadinta waana ay diideen

S=jaamac  nuur ma rajeynaysaa   inay guushii dhawdahay loolankiina Ethiopia idinkala dhexeeya ?

J= cabdi kariim sh muuse  haa xalku waa dhawaaday xaqiiqdii waan jabinay  quwadii Ethiopia waqtigan isaga ah bixitaan ayayna ku jireen ay gobolka kaga baxayaan markii ay isu raacraacday  jab iyo guuldaro ee ay garaysteen  faaiido la,aan inay tahay ku sii jiritaanka gobolka ogadeniya waa ka guurayaan midaas ayaa ah dariiqa xalka ah
Waxaa jira dariiq labaad  oo uu xal ku iman karo waana  inuu mujtamaca dawliga ahi uu soo dhex galo qadiyadanada loolankan cimrigiisu aadka  u dheeryahay ,
 caalamka  dhamaantii  waxuu isutaagay mushkilo yar  ee daafuur ee mudadeedu dhawdahay waxaanu caalamku  is ilowsiinayaa  qadiyad uu cimrigeedu  yahay 50 sano waxuuna hada marayaa markii ugu xumayd
hadii  uu  mujtamaca dawliga ahi masuuliyadiisa  qabsado uuna ku qasbo xukuumada Ethiopia unay u ogolaato  shacabka ogadeniya aayo katalintiisa  
markaa waxaa suurowda inuu xal yimaado 

 

Waxa Turjumay Xaashi Dhicis

Hanqadh

 

 

Maqaalada/Articles

A fool’s quest for the truth By Hibaq Dualeh

Stupidity or ignorance; what motivates Abdullahi Gariiles’ lies? By Hibaq Dualeh

authorAn Advice for Revolutionary Ogadenis By Dr Shamsaddin Megalommatis

WAR CRIMES AND CRIMES AGAINST HUMANITY IN OGADENIA . By Ahmed Shiine

The Betrayal of Abdullahi Gariile and his Crooked Objectives. By Fahmo Abdullahi

A Genocide We Can Stop, Ogaden. By Ahmed Ali