Xafladii Sanadguurada 24aad ee Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadenya oo ka dhacday Norway.
Xaflad balaadhan oo si heersare ah ay jaaliyad Noway u soo agaasintay ayaa ka dhacday maalinkii shalay caasimada dalka Norway ee OSLO.
Xafladan oo ay dad aad u farabadan kasoo qaybgaleen oo isugujira waayeel iyo caruurba ayaa waxeey ku dhacday jawi aad u xamaasadeeysan oo ay ka muuqato qiiro muwaadinimo.
Waxa kale oo kasoo qaybalay xafladan masuuliyiin sarsare oo ka tirsan jabhada oo goobjoog ahaa iyo taleefanba.
Waxa si rasmi ah u furay shirka maamulka jaaliyada Somalida Ogadenya ee Norway oo halkaa ka akhriyay khudbad dheer oo ka hadlaysa waxqabadkii jaaliyada.
Intaa ka dib waxa shirka la wareeay gudigii shirka oo ku bilaabay daawasho cajalad ciidanaka qalabkasida ee JWXO oo dadkii aad u qiira galisay.
Waxa kale oo jirteey in kolba si kookooban dadka loo daawadsiinayeey cajaado suugaaneed ay soo kala saareen ABWAAN HEELAALE IYO ABWAANO ROODA AFJANO oo goobtana aad loogu gatay.
Waxa khudbad dheer oo isugu jirta guubaabo iyo warbixin kasoo jeediyay xaflada Xildhibaan Maxamed Yusuf oo aad looga helay warbixintii uu dhiibay iyo khudbadii uu xildhibaanku soo jeediyay.
Sidoo kale waxa iyana soo jeediyay khudbado qiimo leh Gudoomiye ku xigeenka jaaliyada Marwo Sahra Ismaaciil iyo Marwo X.Faarax .
Dhinaca dhalinyarta waxa meesha ku idlaa maamulkii ururka dhalinyarta ee Norway OGADEN VOICE OF YOUTH oo ah kafdhabarta jaaliyada oo uu halkaa khudbad ka hadlaysa waxqabada ururka ay ka kala jeediyeen Mudane Aden Dayib(AWEYS) iyo Mudane C/raxmaan (buubaal).
Gunaanadki shirka waxa lagu soo xidhay khadka taleefanka Gudoomiyaha ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo salaan iyo hanblyayn kadib soo jeediyay khudbad dheer oo ka hadlaysa sooyaalka halganka Ogadenya oo siduu isu soo tabo taxnaa.
Waxa kale oo uu gudomiyihu ka hadlay taariikha iyo marxaladaha uu soo maray halganka ay hogaaminayso JWXO oo kala ahaa
1:Mar ay qarsoodi ahayd oo ay ku dhexdhuumanaysay Somaliya
2:Mar ay ahayd xisbi siyaasi ah oo ka qaybgaay dhismihii Ethiopia
3: Iyo hada oo ay tahay jabhad xoogweyn
Waxa kale oo taabtay guulaha ay gaadhay ONLF mudadaas iyo halka ay gaadhsiisay shacabkeena maanta.
Wuxuu gudoomiyuhu aad u dhaliily qurba joogta Ogadenya oo uu yidhi wali maydaan dagaal qaadan isagoo ku booriyay in ay u dagaamaan sida shacabka gudaha Ogadenya u dagaalamayaaan oo ayna halganka lug gooynin sifiican ug hagarbaxaan.
Waxa uu gudoomiyhu kusoo gabagabeeyay in hadii qurba joogta reer Ogadenya u hagarbixi lahaayeen halganka uusan maanta halkaa naloo soo gaadheen oo waa hore la xoroobi lahaa.
Khudbada kadib waxa gudoomiyaha la weydiiyay su`aalo uu halkaa kaga jawaabay.
Ugu danbayntii waxa shirka lagu xidhay aayado quraana kadib waxa la fsaxay dhaantadii iyo suugaantii Ogadenya.
Hanqadh