Shirkii Xildhibaan Shiriye uu ka Waday Hawdka Gobolka Sool oo fashilmay.
Warkii 06-May-2008 iyo Qormadii: afnugaal.com
Waxaa maalmihii u danbeeyay ka waday Hawdka Gobolka Sool Shirar Qarsoodi ah oo laga lee yahay dano gaar ahaaneed kuwaas oo uu waday xildhibaan Shiriye oo ka tirsan xildhibaanada Dawlada KMG ah ee Somalia kana soo jeeda Gobolka Sool gaar ahaana Degmada Kalabaydh kadib markii uu si dhuumasho ah kusoo galay Gobolka oo hadda ku jira gacanta maamulka Somaliland.
Xildhibaankan ayaa waxa uu waday shir ay isugu yimaadaan Beesha Degta Degmada Kalabaydh kaas oo uu ku bixiyay lacago aad Ufara badan sidii uu u qabsoomi lahaa shirkaasi oo ay soo wakiiladay Dawlada KMG ah ee Somalia iyo waliba maamul Goboleedka Puntland.
Ujeedada dhabta ah ee shirkan oo hadda burburay ayna ka hor yimaadeen Odayaasha dhaqanka Beeshaasi kadib markii loo soo Bandhigay ujeedooyinkii qarsoonaa ee shirkaasi uu watay Xildhibaanku kuwaas oo ahaa sidii ONLFta loogu dhiibi lahaa Ethiopia iyo kuwo kale oo aad ufara badan taas oo noqotay mid dadku si wayn ula yaabeen uguna gacan saydheen taas oo ugu danbayntii keentay inuu si dhuumasho ah uga baxo Gobolka Sool xildhibaan shiriye.wuxuna uu Qodobaysna Sidan Hoos ku Qoran.
1:Waa in la Taageero Dowlada Federalka iyo Mamul Gobaledka Puntland
2:Waa in Ciidan Askar ah oo dawladda Faderaalka ah laga Qoro deegaan ka Beesha Degta Degmada Kalabaydh
3:Waa in la laa Shaqeeya Ciidamada Ethiopia ee la dagaalanka Argagixisaada
4:Waa in la soo Qabqabto Ciidamada ONLF hadii aay soo galaan Gobalka Sool iyo Aagiisa sida maamulka Puntland!!!
Markii la dhegeystay Xildhibaanka ayaa dadkii waxa ka soo hadhay Argaagax iyo Ashqaraar taas oo keentay inuu gabi ahaanba burburo shirkii ay isugu imaan lahaayeen Beeshu ayna kaga arinsan lahayd mustaqbalkeeda kadib markii ay soo dhex gashay arin si wayn uga baxsan dadnimada, Muslinimada iyo Ehelnimada uuna wato xildhibaan ka tirsan Dawlada KMG ah ee Somalia taas oo ahayd arin aan marnaba Odayaashu shirka ka sugayn kuna wadeen dan Beeleed.
Hadaba Odayaasha dhaqanka,Culima’udiinka iyo aqoonyahana Beesha Kalabaydh ayaa waxa ay ku baaqeen in la qabto shir lagaga Tashanayo aayaha Beesha, kaas oo diirada lagu saaro dhamaanba arimaha uyaal Beesha taas oo meesha ka saari doonta talooyinka iyo ejeedooyinka gaar ah ee ay wataan shaqsiyaadka gaar ka ah una adeegaya cid kale
Xigasho afnugaal.com
info@afnugaal.com
Hanqadh