|
OTHER LINKS
SOMALI LINKS
|
|
XUSKII SANADGUURADA 24AAD EE JWXO OO KA DHACAYLONDON.
Waxaa maalinimadii sabtida ee taariikhdu ahayd 30/08/08 magaalada london kadhacay xaflad balaaran
Oo lagu ,maamuusayay sanad guuradii 24aad ee kasoo wareegtay aas aaska JWXO xafladan oo ay soo qaban qaabisay jaaliyada ogadenya ee wadanka UK ayaa waxaa kasoo qayb galay inta badan shacbiga reer ogadenya ee kudhaqan wadanka UK .
Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay madax sar sare oo katirsan JWXO sida Hogaanka Arrimaha Jabhada JWXO Halgame Mohamed Abdi Yasin {diirane}
Shirka ayaa waxaa ugu horaynba lagu furay wacdi diini ah oo uu akhrinayay sheekh aad looga tix galiyo gudaha UK iyo Ogadenya oo lagu magacaabo SH cali Sheekh isagoo wacdigiisa ku bar tilmaameedsaday xaqsanida halganka lagu baadi goobayo aayaha shacbiga ogadenya ee inta badan aasnaa.
Kadib ayaa waxaa hestii calan microphone uqaatay oo si wadaniyadi kudheehantahay ugu luuqeeyay abwaanka fanaanka wayn ee reer ogadenia mohamuud A Omar {jaangoo} oo ay kooxdiisii la jabinayso
Markaa kadib ayaa la guda galay agendihii shirka iyadoo ugu horaynba uu kasoo qayb galayaasaha soo dahaweeyeen xaafadi martida loo ahaa oo ay u hadleen halgamaaga caanka ah { Xuseen Geelle Iyo Ikraan} isagoo halgame xuseen geelle si aada carabka ugu dahjiyay inaan loo dul qadan doonin qaabkii hore ee aan udhaqmi jiray isla markaana uusan halgankenuu kusocon doonin sidii hore loona baahanyahy in xawaaraha halganka lala jaanqado.
Kadib waxaa lagu soo dhaweeyay H/arri Jabhada JWXO halgame Diirane oo ugu horaynba hadalkisii ku bilaabay taariikhda kala duwan ee dalkeenu soo maray isagoo si waadhix ah daaha uga rogay marxaladihi kala duwanaa ee shacbigeenu soo maray .
Dhanka kale ayuu mudane Diirane sawir guud ka bixiyay guulaha lataaban karo ee ay CXO soo hoyiyeen bilihii udanbeeyay isla markaana jabka ugu gaysteen cadawga ETHIopia
Halkaas ayaa uu mudane diirane dardaaran dadka ugu soo jeediyay inay gacmaha is qabsadaan dadkooda dulmana u hiiliyaan
Dhanka kale waxaa dadkii kasoo qayb galay kamid ahaa Ruug cadaaga wayn ee reer ogadenya
Halgame C/ Daahir Afey oo kamid ahaa halgamayaashii qadiyadeena inta badan usoo halgamay islamarkaana baal dahaba ku leh taariikhda ogadenya isagoo baryahanba safar kumarayay yurub kana soo kicitimay wadanka Austarlia ayaa mudane c/ daahir uu si codkarnim ah dadka ula hadlay
Isagoo khudbadiisii shiishka kusaray inta xoriyadu inoosoo jirto iyo sida loo baahanyahy inaan dabada isaga raacino halmar waa inaan ku galaal xooro ayuu yiri halgame c/ taahir afay
Waxaa kale oo dadkii madasha kahadlay ka mid ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Daahir xasan c/laahi {tamuuje} oo faah faahin kabixiyay wax qabadka jaaliyada ogadenya ee wadanka UK kudhaqan isla markaana mahad celin balaaran usoo jeediyay kasoo qayb galayaasha shirka
Dhanka kale waxaa iyaguna hadlay gudoomiyaha OSF hasan Sh iraad oo si aada ula dar daarmay dhalinta soo koraysa ee qurbaha kudhaqan inay halgankooda taageeraan isla markaana taariikhda dadkooda & dalkoodaba bartaan isagoo dhanka kale ugu baqay inay siminaaro ufurayaan dhalinta dada yar si loo fahmsiiyo dalkooda iyo halgankooda xaqa ah ee ay JWXO hogaaminayso
Ururka hooyooyinka ogadenya ayaa isgana waxaa uhadlay Marwo Sam sam yuusuf oo balanqaaday in ururkoodu wax ka qaban doono dhibaatooyinka kajira ogadenya hiil & hoona lagarab istaagi doonaan JWXO .
Isku soo duuboo dadka hadlay Iyo kasoo qayb galayaasha oo aad ufara badnaa ayaa dhamaantood isku raacay inay xaq tahay inaan taliskan cadceedsaday dabada iska raacino
Ugu danbayn ayaa waxaa suugaan halgameed lala dhacay dadkana qiro kubeertay kobtaas kusoo bandhigay abwaan Jaangoo Xaawo luul Iyo aamino
Oodhamaantoodba ah indhaha halganka ogadenya
Halgan Guled London
Hanqadh
|
|