Yaa Dilay Bare Cali Bare?Maxaa loo Dilay? Maxaase xal u ah dhalinta uu Horjoogaha u ahaa? qormadeenan  ayaan isku dayi doonaa in aan kaga faaloono baadhitaan iyo xog badan oon ku sameynay kadib dilkii marxuum bare cali bare.

Bare cali bare wuxuu ahaa hogaamiyihii xarakada raaskambooni ee muqdisho loo soo diray markii  alshabab ay qorsheynaysay in ay xidid siibto awooda raaskambooniyiinta ee gobolka jubada hoose khaasatan magaalada kismaayo.

Shirqoolkan raaskambooniyiinta looga gacan bixiyay jubooyinka waxaa iska kaashaday alshabaab iyo xisb islaam oo si wadajira marwalba kooxda dhoohan ee raaskamboonida la ciyaarayay siyaasad  ayna dhug u lahayn iyakana haadaanta looga tuurayay.

Kooxda raaskambooni cududoodii ayaa xamar keena la yiri iyaka oo is hor fadhiyay alshabaab magaalada kismaayo wayna aqbaleen, mudo ka hor umbey ahayd markii axmed sheekh islaam iyo ibraahim shugri  alshabab u sheegtay in ay dhalintii degaanka ee cali buleey ay ceyriyaan kana saaraan jubooyinka, arintaas oo iyaduna ahayd arimihii kooxda dhoohan ee hadaf iyo siyaasad lahayn ee raaskambooni larabay in lagu xidido siibo, nasiib daro waxaa dhalintii amrey oo yiri laba qori jubooyinku wadajoogi maayaan axmed madoobe iyo ibraahim shugri oo ay dabada ka riixayaan alshabab iyo xisbi islaam oo wadajira.

Wixii xigay wuxuu ahaa wax aduunkoo dhan wada daawanayay in raaskambooni sidii cawshii lagu ugaarsado jubooyinka kadib markii cududoodii wada cayriyeen lana ogaaday in meel cidla ah taagan yihiin.

Yaa dilay bare cali bare? jawaabtu waa mid iska cad waxaa dilkiisa iska kaashaday alshabab iyo xisb islaam oo wadajira, sababtoo ah waxaa la rabaa in dhalinyarada uu horjoogaha u yahay la bililiqaysto hubkooda iyo naftoodaba.

Maxaa muujinaya i n alshabab iyo xisb islaam iska kaashadeen? waxaa arintaas muujinaya sida akhlaaq xumada iyo beenta ah ee afhayeenka alshabab ugu hadaaqay hadal gef ah oo been la dhoodhoobay ah kadib markuu isku dayay in uu dambiga ka fogeeyo alshabab iyo xisb islaam yirina bare waxaa dilay tuugo siina raaciyay waan baaraynaa ! wuxusan ogeyn muxuu tuugo ugu sheegi? tuugse baryahan dambe ma yimaadaa bakaaraha isagoo hubaysan?

Maxaa xal u ah dhalinta uu horjoogaha u ahaa bare cali bare? dhalintan waa in ay sida ugu dhakhso badan heegan aad u sareeya u galaan magaalada xamarna ka degaan degaanada ay isku difaaci karaan, hadii ay hadadaad dareemaan ay isu dhiibaan ciidamada ugaandha.

Dhalinta xamar loo xareeyay cadowga alshabaab iyo xisb islaam ee absame gumaadka ku heshiiyay waa in ayna dhicin in ay isdhigtaan.

daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha soomaalida.

hanqadh@gmail.com